Magaallooyinka LONDON iyo Hargeisa Oo Lagu Iibinnaayo Funnaanado Lagu Xardhay Kalmaddii Caan-baxday Ee Ila meerrayso

0
Thursday January 23, 2020 - 22:48:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 6148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaallooyinka LONDON iyo Hargeisa Oo Lagu Iibinnaayo Funnaanado Lagu Xardhay Kalmaddii Caan-baxday Ee Ila meerrayso

    Magaallooyinka LONDON iyo Hargeisa Oo Lagu Iibinnaayo Funnaanado Lagu Xardhay Kalmaddii Caan-baxday Ee Ila meerrayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaallooyinka LONDON iyo Hargeisa Oo Lagu Iibinnaayo Funnaanado Lagu Xardhay Kalmaddii Caan-baxday Ee Ila meerrayso
Hargaysa(HWN):-Waxa magaallooyinka Hargaysa iyo LONDON lagu iibinnayaa Funnaanado ay ku taallo Sawirkii iyo hal ku dhigii caan-baxay Sannadkii aynnu soo dhaafnay ee 2019, oo uu lahaa Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle.



Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle oo ka qayb-galay munaasibad lagaga hadlaayay xaaladda adag ee dalku ku jiro, oo damcan uu ka mid ahaa dadka sida wayn u saluugsan hannaanka uu wax u maamullaayo Madaxweyne, Kornayl Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habbeenkaas ku tilmaamay sida uu wax u waddo kalmaddii caan-baxday ee "Ila meerrayso", taasoo uu uga jeedday xaadda uu Kornayl Muuse Biixi dalka iyo dadka ku hoggaaminnaayo.


Haddaba, waxa imika soo baxday in kalmaddii hal ku-dhiga noqotay ee Ila meerrayso ay ganacsigiinna gashay oo Funnaanaddo ay ku qoran yihiin Sawirkii Mujaahidka iyo erraygiisii Ila meerrayso lagu iibinnaayo Suuqyadda magaallooyinka LONDON iyo Caasimadda Hargaysa, waxaannay noqotay erray ka turjumaaya hannaanka maamul ee Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi Cabdi, inkastoo dadka qaarkood ay isla kalmaddii u bixiyeen Mujaahidkii soo saarray ee Cabdi Ibraahim Cabdulle oo ilaa imika ay Ila meerrayso ku naannaysaan, balse xaqiiqaddu waxay tahay Madaxweynaha kornaylka madaxa adag leh Muuse Biixi ayaa xaajaddiisu noqotay Ila meerrayso talaabo kasta oo uu qaaddaana ay iska daba-wareeg uun bulshaddu u arkaan.

Si kastaba ha ahaatee, hal ku-dhigga Ila meerrayso waxa uu noqday erraygii ugu saamaynta badnaa ee lagu tilmaamo Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, taasoo aad ka garan karto sida ay suuqa iyo bulshadda Soomaaliyeed u dhex qaadday, iyaddoo imikanna u gudubtay suuqyaddii ganacsiga Funnaanadihii lagu xardhaayo kalmaddii Ila meerrayso iyo weliba Sawirkii Mujaahid Cabdi Ibraahim.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...