Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Sharci Ansixiyey, Dib U Eegisna Ku Sameeyey Heshiisyo Lala Galay Rwanda Iyo Turkey

0
Thursday January 23, 2020 - 17:58:42 in News by
  • Visits: 1670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Sharci Ansixiyey, Dib U Eegisna Ku Sameeyey Heshiisyo Lala Galay Rwanda Iyo Turkey

    Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Sharci Ansixiyey, Dib U Eegisna Ku Sameeyey Heshiisyo Lala Galay Rwanda Iyo Turkey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Sharci Ansixiyey, Dib U Eegisna Ku Sameeyey Heshiisyo Lala Galay Rwanda Iyo Turkey


Hargeysa(HWN):-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka.




Ujeedda sharcigaan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.


Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975.



Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudaneMahdi Maxamed Guuleed (Khadar)ayaa guddoomiyay kulanka oo sidoo kale lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiis is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga.





—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...