Madaxwaynaha Somaliland Oo Amaro Dul Dhigay Gadiidka Basaska Ee Caruurta Dugsiyadda Geeya.

0
Wednesday February 27, 2019 - 15:14:08 in News by Super Admin
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliland Oo Amaro Dul Dhigay Gadiidka Basaska Ee Caruurta Dugsiyadda Geeya.

    Hargaysa(HWN)Madaxwaynaha somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa dhamaan Ciidanka Nabad-Galiyadda Wadooyinka,Wasaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN)Madaxwaynaha somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa dhamaan Ciidanka Nabad-Galiyadda Wadooyinka,Wasaaradda

 Waxbarashadda Iyo Wasaaradda Gadiidka Faray in ay talaabo adag ka qadaan wadayaasha gadiidka basaska ee caruurta u qaada Goobaha waxbarashadda oo aan masuuliyadi ku jirin u kaxeeya gadiidka.

Amarkan ka soo baxay madaxwaynaha somaliland ayaa yimid ka dib markii saaka shil gaadhi oo sababay khasaare nafeed uu ka dhacay magaaladda hargaysa kaasi oo uu ku geeriyooday arday uu siday baska shilka galay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waalidiinta, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed farxaan Maxamed oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/02/2019, Magaalada Hargeysa.

Wiilka geeriyooday oo ka soo rawaxay mid ka mida dugsiyada gaarka loo leeyahay ayey geeridiisa sababtay baskii siday ardayda oo shil ku galay gudaha magaalada Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda waxbarashada, maamulayaasha dugsiyada, ciidanka nabadgelyada waddooyinka, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo cid kasta oo ku shaqo leh sharciga waddo marista, qarankana uga masuulka ah inay tallaabo ka qaadaan wadayaasha baabuurta gaar ahaan basaska qaada ardayda dugsiyada oo ay ka muuqato sida soo noq-noqota masuuliyad darro ballaadhani, inay mariyaan sharciga waddo-marista, si looga hortago shilalkaasi oo kale.

Madaxweynuhu waxa uu qoyska qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ardaygaasi uga baryayaa inuu ka siiyo samir iyo iimaan saadiqa.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac


Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.



Loading...
Loading...