Nuxurka Xeerar Lagu Ansixiyey Fadhigii Golaha Wasiirada Somaliland

0
Thursday January 23, 2020 - 17:23:33 in News by
  • Visits: 1837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Xeerar Lagu Ansixiyey Fadhigii Golaha Wasiirada Somaliland

    Nuxurka Xeerar Lagu Ansixiyey Fadhigii Golaha Wasiirada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Xeerar Lagu Ansixiyey Fadhigii Golaha Wasiirada Somaliland


Hargeysa(HWN):-Fadhigii 53aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland 
oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay maanta ansixiyeen qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.




Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, xeerkaas oo lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta, waxa kale oo goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka.


Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in mudnaan gaara la siiyo.


Ugu danbayn waxa goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee dalka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Loading...
Loading...