Dhawaan Waad Delde-lantee, Waxba Hay Dardaar Werin ( Abdi-Shotaly) .
(1) Haw malayn, hana u fadhiyin in somaliland intay
sidan tahay meel gaadho.
(2) Doorasho xalaal ah yaan loo fadhiyin inta Labadda Asakri isu gees iyo
gafuurayaan Somaliland.
Akhristaw sababaha aan u cuska-nayaa labadan qodob ee sare waxa
weeye:-
(a) Guuritdda oo diyaar u ah, una rixinaysa, oo dabadda u ruxaysa siddii ri orgoonaysa, daba-dana u lusha maamulka askarta, una samaysa mudo kordhin mar kaste, ilayn iyadda bay dani ugu jirtaa oo aan sharci ku fadhiyini, imisa iyo labaatan sano bay meesha iska soo yuuru-reen, oo ay iska hor keen uun wadaan? Taas oo arimaha lagaga hadlaayo aan dheg u jalaqsiin. Bal is weydiiya mee buuggii la yidhi ha la gubo, ee Cabdiraxmaan uu ku caayaayey hablaha? Xagee buu ku dambaysay? saw qawda maqashii waxna haw qaban muu noqon?
(b) Komishanka oo qodobadda lagu soo xushaa,
(1) Wax ha idiin boobeen.
(2) Lagu saleeyo beel iyo mid-ba midkuu ka tuugsan yahay, kana biidhi-qaataysan yahay.
(c) Golaha xildhi-baanadda oo Iyana lagu yaqaan:-
(1c) In dhuunta loo qooyo, xaal-koodu yahay, " Faro Aan Dufan Lahayni Wax Ma Duugaan", ku shaqeeya,
kuna xidhan kolba inta loo dhiibo.
(2c) Iyaka oo u badan, kuwa ku ab-tirsadda xusbiga dalka rogay ee kulmiye,
tirana ah 62 Xildhiba-yaal ) Xilkii loo egmaday dhibay), lagu hoogay wixii ay
ummadu u xil saartay.
Hadaba muwaadin sidaas oo ay tahay arintu, baa weli been la inoo sheegayaa, oo dhalaan habaabis iyo maaweello lala taagan yahay suuqyadda, la doonaayo in raqabadda lagu hor dhigo, oo mar kale xawdda lagaa dhameeyo, laakiin " sir ma qabe allaw sahal" Baa la yidhiye, arintu muwaadin kolba waa adigu sidda aad ka yeesho iyo isha lagaa arko, haddii aad is garab taagato Daacadnimadda iyo wadda jirka, sinaanta, cadaaladda, wax wadda lahaan-shaha, wax wali-ba sidda aad doonayso bay u dhacayaan, haddii-se maalin kaste kaadhka lagaa marsado, wallee Somaliland baa khatar ku jirta ( oo hadda aan jirin-ba), ee adiga iyo dadnima-daadda bay ku xidhan tahay. waa aad arkaysaa, oo kaama qarsoona sidda ay askartu kuugu badhee-dheen, ee reer hebel laguula dagaala-maayo, hadana la isugu kaa qarinaayo Somaliland baad wax yeelaysaa.
Intaa aan ku idhi dabadeed, bal hadda beryahan, iskuma aan deyine, ku soo dhawaadda in yar saaka tiriyey:-
Dahawaan waad delde-lantee, waxba hay dardara werin
Dalkii kala dareeyaye, horta yaa denbiga dhigay?
Inta daran ka sii daran, ka u daran dad moodooy,
Ka-daraad dugsa-naysaa, diri-gaad hambuudhiyo,
Midkii diifta ku badaad, weli daba ordaysaa,
Duufaan qabyaaladi, dirxi hoosta kaga jiro,
Kuu dareershay subax qudha,daad raacdda kugu daray,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Dugaag kuu xareeyaad, markuu dumiyey daartii ( Somaliland),
Daaqaddii la sii baxay, uu ka goostay daahii,
Dalagaad lahayd liqay, kaa dudubiyey hantiddii,
Digo kuu karkari-yaad, door hore ku bi'iyaad,
Maan-tana dul joogtaa, Ayaan daran in aad tahay,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Dameeruhu ku dhaamaan, dulinimo adeys baday,
Weli aan dareemayn, door-yaankan baraddii,
Ku dikaday libtaaddii iyo doogta kugu taal,
Nabaradda damqana-yiyo, darib-taadda kii cunay,
In uu dadabta kuu galay, ruux damiina baan garan,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Miyey dedentay xaajadu, sawkaa dad-keeni,
Dibnii sheeko daayeen, daali-miin u gacan galay,
Kuli loogu daw-galay, dantoo-duun ka raacdee,
Kolkuu dabinka kuu xidhay, dar illaahay kaa tegay,
Mar kala-na I dooruu, weli kaa dal-banayaa,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Digtoonaadda shicib-yahayaw, intaan deylo lala tegin (Somaliland),
Darib-taadda jiidh-kiyo, dabool-kaagga haragiyo,
Dibnaa eebo lagu goyn, u dareerin Xamar iyo,
Darxuma-daad ogayd iyo, waxaad diiday beri hore,
Maan-tana dib ugu noqon, delde-laaddii waaggii,
Duuduub u madhiyaayey, duhur lagugu kala tegin.
Waxan ku soo xidhay qoraalkan, horaa soomalidu u tidhi, " Durbaan adigu garaaco, ama mid ku xigaa ha kuu garaaco", shaqadda uu askarigu ku shaqeeyaa waa taas, oo aan biyo is marin. Maxaa lagu haystaa Abdi-malaik Coldoon? wax denbi ah oo uu sameeyey ma jirto, ee, waxa lagu eedaynayaa maxaad daboolihii weynaa ee asakrtu keentay ee yidhi Habalaha is dhunkadda, qaawiya Meelaha qurxoon ee jidh-kiina, maxaad u kashiftay? Ee aad u soo sawirtay? Maxaad dadka u ogaysiisay? oo lagu eedeeyey wuxu faafiyey war xun ( waan iska kaa rabaa saw maaha). ma been baa iyo wax aan jirin. Miyaan mid-mid dhaamaa meesha joogin? Ma wadda xoolaa waxan ummadda hor taagani. Maaha arintu Coldaaon oo qudha, waxa maxakamadda askarigu ilaa maalintii ay yimaadeen xidheen, oo jeelalka ka buuxa, tiro ma laha inta wax lagu haysto aan la garanayn, imika beelo gaar ah baa la laynayaa 9 oo Ah Dhulbahante, Garaxajis, Samaroon), wixii jeegaanta wax dilay, qaarna wa ala sii daayey, qaarna lama rabo in la dilo. Inta reer hebel u xidhan iyaka oo wax denbi ah samaynin, qaar waxa soo eedeeyey, inaadeerkii ina aw siciid oo yidhi wax-bay iga googooyeen, oo loo xukumay una xidhan yihiini laa imika mudo dhawr sano ah, weli sheeko iyo shaahid miyada ku maqasheen, shicib-shicib u xidhan, oo reer hebel weeye loo haysto, askar biidhi qaata ah, oo kaa kaybalka lihi ( Cable TV-ga ninka leh weeye), oo ay is xigaan askarigga ( Raggii ma adigaa ka hadhay), kii lahaa weeye, Goboladda bari nin aqoon lihi kama kicin, baa askariga laf-tiisa amar siiya. kuwan booliis ku sheega ahina, waa dhuuni raacyo, lagu masruufo, kolba inta uu reer hebel ka soo xidho, iyo been uu u soo macmalo, sharci meesha ma yaalo., ayaantii timaadaba denbi cusub baa loo sii sameeyaa, oo aan hore u jirin baa lagu sii kordhiyaa, marka wixii hore u socon waayaan.
* N.B Dulinimo adays baday, iyo doogta kugu taal!
Abdi-Shotaly,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!