Xildhiban Casood Oo Maanta Lagu Aasay Hargeysa Iyo Saylici Oo Ka Qayb Galay+Sawiro

0
Thursday January 23, 2020 - 15:26:22 in News by
  • Visits: 2069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhiban Casood Oo Maanta Lagu Aasay Hargeysa Iyo Saylici Oo Ka Qayb Galay+Sawiro

    Xildhiban Casod Oo Maanta Lagu Aasay Hargeysa Iyo Saylici Oo Ka Qayb Galay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhiban Casod Oo Maanta Lagu Aasay Hargeysa Iyo Saylici Oo Ka Qayb Galay+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum xildhibaan Axmed Cabdi Casood oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.



Madaxweyne ku xigeenka ayaa guud ahaanba qaranka Somaliland gaar ahaana Qoyskii qaraabadii ehelkii iyo Golihii wakiilada ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyey geerida Marxuum Axmed Cabdi Kaahin oo qaranka xilal kala duwan kasoo qabtay, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu laba jeer soo noqday Xildhibaan sidoo kalena soo qabtay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada, waxaana uu xusay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo tacab badan soo geliyey qaranka.

Alle haw naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa waxaana Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey Aaska, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaano ka tirsan labada golle ee Wakiilada iyo guurtida.

Allaa Mahad Leh




Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...