Madaxweyne Muuse Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Golaha Wakiilada

0
Thursday January 23, 2020 - 12:31:02 in News by
  • Visits: 2376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Golaha Wakiilada

    Madaxweyne Muuse Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Golaha Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Golaha Wakiilada


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha muddooyinkii u danbeeyeyna ahaa Xildhibaan, Marxuum Axmed Cabdi Kaahin Casood oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golaha wakiilada Somaliland oo uu marxuumku ka tirsanaa.




Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland, kana mid ahaa odayaashii kaalinta weyn ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Loading...
Loading...