Dalka Afrikada Galbeed Oo Samaystay Lacag U Gaarah 23/1/20

0
Thursday January 23, 2020 - 08:35:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Afrikada Galbeed Oo Samaystay Lacag U Gaarah 23/1/20

    Dalalka afrikada galbeed lacag midah iyo dhaqaale isku xidhan (UEMOA)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka afrikada galbeed lacag midah iyo dhaqaale isku xidhan (UEMOA)
Afric economic and  monetary union ) ayaa waxay ku dhawaaqeen in ay bedeleen lacagtii hore ee la odhan jiray CFA frank, loona bedelay ECO , dalalkaas oo ka mid ahaa goboladii  francophone,una  fikaray in ay ka madax banaanaadaan lacag ahaan    dalka fransiiska  , fikirkan cusub ee ay dallakan keeneen waxay salka ku haysaa in ay jooojiyaan lacagtii ku xidhnayd dalka fararsiiska iyo waxii ticknology lacageed ahaaba, (currency technol)

Nidaamkan CFA frank  oo uu aasaasay sandkii 1945kii ,Charles de Gaulle, si ay lacag ahaan iyo maaliyad ahaanba u (control ) laan  dowlada faransiisku mustacmaradhii ahaa ee uu   haysatay, dalalka nidaamkaa isticmaali jirayna waxaa ka mid ahaa, Benin, Burkina faso, Ivory coast, Guinea-Bissau,Mali,Niger,Senegal,Togo, dalalkaas  oo lacagtaa franka  isticmaaliyaey 70 sano (seven decades)

Lixda dal ee kale ee afrikada dhexe ee ay ka midka yahiin Gabo, Cameroon ,Chad, Central Africa Republic, Congo, iyo Equatorial Guinea, iyaguna waxay u isticmaalayeen si la mid ah  laakiin nidaam ahaan kaduwan  CFA frank, 

Laakin suaashu waxay tahay gumaysigii hore ee faransiisku , raali ma yahay arinka ay dalalkaasi ku kaceen, balse lacagtooda cusubi ma keeni kartaa mana kordhin kartaa baraaqada dalalkaasi hiigsanayaan, laakinse majirtaa taaalaabo kale oo ay eegayaan, inkasta oo saraakiisha dalalkasi  ay sababaynyaan CFA franc in ay dhiiri galinayso koritaan cusub oo xaga suuqaa ,hadan lacagta cusubi waa u dhamaynta gumaysigii faransiiska iyo in ay dalalkaasi noqdaan dallal maamilyad ahaan madax banana,

Sikastba ha ahaatee , aasaasidii CFA franck, waxay  ugu horayntii sababtay in badan oo  dalalkaas ahi ay  ubaahnaayeen dalabka franka  markii ay dalalkaasi qaateen xornimadooda, waxayna lacagha dalalkani waajib ku ahaan in kaydkooda lacagaha qalaad  uu ahaado  frank, taas oo qiimaheeda la dhimay 65% sandkii 1965kii hadan 50% la dhimay sandkii 2005, lacaghaas kayd ahaan uu gumaysigii farnsiisku saaray 0.75%  oo dulsaar ah (interest ) ,tasina waxay dhacday dagaalkii  2aad ka dib, ujeedaha gumaysiga fararsiisku ka lahaana waxay ahayd in uu siiyo dayn jaban ( cheap loans) qaan jaban , teeda kale gumaysiga fararsisku waxa uu u isticmaalayey in ay dalalku bixiyaan deebaaji (deposits ) si uu  lacagahooga u caawiyo, teeda kale CFA waxa uu faransiisku u tusaayey in ay ka helayaan macaash  riixida uu fararsiisku wado iyo  in ay keenayso deganaasho ( stability )

Lasoco

By: khaddar adam aw muuse

 

[email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...