Hadhuudhu Caraale Huftoo Hufmi Waaye Maxaad Kala Haadin

0
Thursday January 23, 2020 - 08:25:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadhuudhu Caraale Huftoo Hufmi Waaye Maxaad Kala Haadin

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaatuh wacan oo wanaagsan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaatuh wacan oo wanaagsan .


Waxa aan maanta qormadan gaaban ku faalayn doonaa madax Wayne Muuse oo noqday shaqsigii ugu badalaada badnaa maamulkiisa mudadii 2 sano ahayd ee uu madaxwaynaha ahaa.Shacabku waxa ay iswaydiinayaan madax waynaha ma aqoonta uu u leeyahay dadka uu u xulanaayo cida uu u dhiibanaayo xil ayaa liidata mise la taliyayaashiisa ayaa liita.


Dhawaan waxa uu sameeyey madax waynuhu isku shaandhayn ah maamulkiisa hadaba hadii aynu milicsano mar kasta oo uu madax waynuhu isku shaandhayn sameeyo waxa dhagaha shacabku maqlaan weedhahan.

1-Markaan arkay qodobka 90 ee distoorka Somaliland.
2-Markaan arkay waayo aragnimadooda.
3-Markaan arkay inay gudan karaan xilka loo igmaday.
4-Markii aan sameeyey la tashi, waxaan hebal u magacaabay xil .

Shacabku hadaba waxay is waydiinayaan maxaa ka qaldan madax waynaha ee marka hore uu usoo xulan waayay dad u qalma xilalka loo igmaday taasoo ay xudun u tahay Amaano iyo Aqoon, si aanay u dhicin is bedelkan faraha badan ee soo noqnoqday kaasoo laf jab ku ah horumarkii qarankan curdinka ah iyo wax qabadkii bulshada, hadaba tani waxay keenaysaa inay  wasaaradihii iyo hayadihii kale ee dawladu la kulmaan dhibaatooyin maamul marka mar walba loo keeno masuuliyiin cusub, taasoo dibu dhac fara badan ku keenaysa horumarkii iyo hab wanaag u socodkii adeegyada bulshada. Hadaba madax Wayne yaanu xaalku kaa noqon (WASIIRA HABAYNTA HOGAANA SAMAYNTA  HADHUUDHKU CARAALE HUFTOO HUFMI WAAYE MAXAAD KALA HAADIN).
Wabilaahi tawfiiq.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...