Muuse Biixi Muxuu Shacabka Somaliland iyo Golaha Xukuumaddiisa Uga Qarinayaa Heshiisyadda uu Lagalaey Dawllada Jabuuti

0
Thursday January 23, 2020 - 08:10:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Muxuu Shacabka Somaliland iyo Golaha Xukuumaddiisa Uga Qarinayaa Heshiisyadda uu Lagalaey Dawllada Jabuuti

    Marka loo eego Dareenka Madaxweynaha ee u muuqda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka loo eego Dareenka Madaxweynaha ee u muuqda

Dhuumaalaysi dhabarku Muuqdo, Marka laga Tusaale Qaato, Qaabka ay u Daahfureen Dawllada Jabuuti Qorshaha Xadhiga Fiberobtica ah ee ay Sheegeen in ay Heshiis Kula Galeen Dawllada Soomaaliya islamarkaana, Somaliland ogaysiin kaliya Siin doonaan oo ay Dekedda Berbera ka gudbinayaan Xadhigaasi iyagoo u Gudbinaya Dalka Soomaaliya,oo ay uga Sii Gudbin Doonaan Dalka Kiiniya, Waxa ay Arintaasi dareen Galisay Shacabka Somaliland ,oo marka horeba ka caloolweydsanaa Sida ay inoola dhaqmaan ama ay, Dawlladnimadeena, mar walba uga hreysiiyaan arimaha Koonfurta Soomaaliya, Walaalaheena Dawllada Jabuuti inaku Ixtiraamkooda iyo Doorka ay inaku Leeyihiin Weynu Siinaa laakiin inaku kama hayno,Taasina Dareen badan ayay leedahay.

 

Haddaba Marka loo eego, Sida ay arintu ama barnaamijkan kasoo yeedhay Dawllada Jabuuti Shacabka Somaliland dareenka ay ka bixiyeen, iyo Sida ay ugu muddan tahey Bulshada waa Arin Saameynteeda leh, marka loo eego sida uu Dareenka uga qabbo ka Madaxweyne ahaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo arintaa dareenkii kaga yimid Sabab u ahaa in uu baajiyo, oo aanu Gurigiisa kasoo bixin Khamiistii hore ee uu baajiyay Shirkii Golaha Wasiiradda haseyeeshee, Soomaalidu Waxey tidhaa ‘Waxa Sacabka habeenkii loo tummaa haddaanay xeeladi kujirin, Kolley Waxaanu Madaxweynuhu Raali ka aheyn oo aaney Madaxda ay isku Fiican yihiin ee Reer Jabuuti ogolaysiin, Waxey u muuqataa marka dareen Siyaasi lagu eego,marka aragti dheer loogu dhabo gallo Arin Madaxweynuhu ogyahey, oo isaga iyo Dawllada Jabuuti u gaar ah laakiin, Kasoo degdegay Wakhtigii uu Filayay oo ku noqdey mid wakhtigii uu filayay kasoo hordhacey oo aanu hadda modayn.

Muddo badan ayaan ka hadley Siyaasada isbadeshay ee Wakhtigan, Waxa kale oo aan arintan Diiradda ku saareynaa hadalkii Wasiirka, ee tilmaamayay in wax baddani isku muuseysayn yihiin Waxa ay dadku la yaaban yihiin Badda Berbera Waxaanu ka Xukuumad ahaan u Qorsheynay in ay Xadhko baddani marraan, mataasaan aheyn dhuumasho dhabarku muuqdo waana mid ay ka shakiyeen Somaliland dadkeeda oo dhami yar iyo Weynba Wuxuu yidhi Abwaan Gaariye:-

«Danni baana igu jira

 

Inaan hoosba loo deyin

 

Sengaa daalay meeshuu

 

Ka damqaayo heensuhu

 

Ama dhaqanka dabatadu

 

Ka dabraaya qarankii

 

Shalay doolka ugu yimi.

 

 

 

Dillaacuna wuxuu fiday

 

Markii looga sii daray,

 

Ee cudur darmaan galay  

 

Waxaan kusoo gunaanadayaa Aragtideyda Siyaasiga ah ee ku Sahabsan Xadhiga Dawllada Jabuuti ka dhawaajisey,Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Muxuu Shacabka Somaliland iyo Golaha Xukuumaddiisa Uga Qarinayaa Heshiiska arintan hadii  uu Lagalaey Dawllada Jabuuti

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:-0634466339


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...