Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweynaha Nafaqada Hooyadda iyo Dhallaanka

0
Wednesday January 22, 2020 - 18:45:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweynaha Nafaqada Hooyadda iyo Dhallaanka

    Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweynaha Nafaqada Hooyadda iyo Dhallaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweynaha Nafaqada Hooyadda iyo Dhallaanka
Hargeisa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa manta furay shirweynaha nafaqada hooyadda iyo dhalaanka oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.



Barnaamijkan lagu dersayo nafaqaynta hooyadda iyo dhalaanka ayaa sanadkiiba mar lagu qabtaa Somaliland. Kaasoo noqonaya kii labaad.
Shirweynahan oo ay xubno ka yihiin wasaarradaha Waxbarashadda iyo sayniska, iyo horumarinta Caafimaadka ayaa lagaga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta iyo daryeelka heerka nafaqo ee dhalaanka Somaliland.



Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah ee ka shqeeya arrimaha hooyadda iyo dhalaanka, xubno ka socday wasaarradaha caafimaadka iyo waxbarashadda.

Madaxweyne ku-xigeenka oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay in laga wada fikiro sidii ilmo kasta oo nafaqo darro ku haysato Somaliland ay masuuliyadi ka saaran tahay.




"Barnaamijkani waa mid caalamiya oo soo bilaabmay dhawr sannadood ka hor, oo ah in kor loogu qaaddo Nafaqadda Hooyadda iyo Dhallaanka. Barnaamijkani waxa uu wax ka tarayaa Nafaqadda Caruurta adduunka oo dhan, gaar ahaan Caruurta iyo Hooyadda Somaliland, waanna Barnaamij la rabo inay iska kaashaddaan bulshadda rayidka ah, Xukuumadda, Qaramadda middoobay, Qaadhaan bixiyeyaasha iyo Ganacsataddu." Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici

Waxaanu sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka shaqaynayaan sidii xeerarka arrintaasi ku xidhan loo ansixin lahaa.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland



Loading...
Loading...