Fashilka Siyaasadda Arrimaha dibadda iyo Qorshe la'aanta Safarka Wasiirka Beeraha Somaliland

0
Wednesday January 22, 2020 - 16:23:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fashilka Siyaasadda Arrimaha dibadda iyo Qorshe la'aanta Safarka Wasiirka Beeraha Somaliland

    Fashilka Siyaasadda Arrimaha dibadda iyo Qorshe la'aanta Safarka Wasiirka Beeraha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fashilka Siyaasadda Arrimaha dibadda iyo Qorshe la'aanta Safarka Wasiirka Beeraha Somaliland
Hargaysa(HWN):-Wasiirka Beerraha Somaliland Ahmed Muumin Seed, ayaa toddobaad ku xanibnaa magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii loo diidday Fiisaha dal ku galka ee Jarmalka.

Safaaradda Jarmalka ee nairobi ayaa sheegtay inaanay aaminayn ilaa ay keennaan damiin ku suggan dalka Jarmalka. Markii ay muddo ku sugnaayeen magaaladda Nairobi, waxa la helay dhalinyarro reer Somaliland ah oo ku sugan dalka jarmalka, kuwaasoo loo arkay inay buuxin karraan shuruudaha Safaaraddu ku xidhay Safarka Wasiirka Beeraha Somaliland.




Ka hor intaanay damaanad qaadin, waxay la xidhiidheen Wasiir Ahmed, oo ay waydiiyeen hawsha uu imanayo Jarmalka? wasiirku wuxuu dhalinyaradii u sheegay inuu halkaas u tagayo dardargelinta Ictiraafka Somaliland iyo Midaynta Qurbajoogta. Dhalinyaradu waxay kaloo waydiiyeen, hadii arrimaha Socdaalkiisu la xidhiidheen dhinacyada Qadiyada, miyaanu jirin xidhiidh aad la leedihiin Dawlada Jarmalka? Wasiirku wuxuu dhalinyaradii ugu jawaabay (Horta I geeya Jarmalka, oo aan idiin imaado).

Arrintani waxay muujinaysaa sidda ay meesha uga sii baxayso siyaasaddii arrimaha dibadda Somaliland iyo Qorshe la'aanta Safarrada Wasiirradeennu ugu baxaan dalalka dibadda, iyagoo aan marnaba runta ka sheegin ujeedka Safaraddooda

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...