Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xubin Iska casishay Guddii Wada Hadalka Somaliland

0
Wednesday January 22, 2020 - 15:43:14 in News by
  • Visits: 3849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xubin Iska casishay Guddii Wada Hadalka Somaliland

    Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xubin Iska casishay Guddii Wada Hadalka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xubin Iska casishay Guddii Wada Hadalka Somaliland


Muqdisho(HWN):-Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Natiijada sawirka Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen Guulwade


Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.


Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.


Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.

DHAMMAAD

Loading...
Loading...