Cadaadiska Doorashada Oo Wali Haysta Muuse Biixi Iyo Safiirka Denmark Oo La Kulantay

0
Wednesday January 22, 2020 - 15:20:13 in News by
  • Visits: 1990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaadiska Doorashada Oo Wali Haysta Muuse Biixi Iyo Safiirka Denmark Oo La Kulantay

    Cadaadiska Doorashada Oo Wali Haysta Muuse Biixi Iyo Safiirka Denmark Oo La Kulantay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadaadiska Doorashada Oo Wali Haysta Muuse Biixi Iyo Safiirka Denmark Oo La Kulantay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg.

Image may contain: one or more people


Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay, sidii loo dardar gelinlahaa korna loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee 2020-ga, sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland.


Ugu danbayntiina waxa kulankaa lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa loogana wada soconlahaa.

Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 1 person, sitting

Waxaana Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed.


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...