Shaqaalaha Madbcadda Qaranka Oo La Abaal-mariyay

0
Wednesday January 22, 2020 - 14:34:53 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha Madbcadda Qaranka Oo La Abaal-mariyay

    Shaqaalaha Madbcadda Qaranka Oo La Abaal-mariyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha Madbcadda Qaranka Oo La Abaal-mariyay
Hargaysa(HWN):-Shaqaalihii dedaalka iyo hufnaanto shaqo muujiyay sanadkii tegay ee 2019-ka ee madbacadda qaranka Somaliland ayaa la gudoonsiiyay abaal-marino lagu dhiirigelinayo.

Munaasibad loo sameeyay shaqaalahaasi la abaal-marinayay oo maanta lagu qabtay xarunta madbacadda qaranka waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.



Maareeyaha madbcadda qaranka Maxamuud Raage, maareeye ku-xigeenka, guddoomiyaha wargeysyadda dawladda ee Dawan Media Group Maxamed Axmed Jaamac, agaasime waaxeedyadda madbcadda iyo shaqaalaha. Abaal-marinahan ayaa la gudoonsiiyay 12 qof Lagu sheegay in ay yihiin shaqaalaha ugu wanaagsanaa dhanka shaqadda sanadkii tegay ee 2019-ka.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa ballan qaaday in shaqaalaha wakaaladda madbacadda qaranka lagu dari doono liiska shaqaalaha dawladda ee ka diiwaan gashan hay’adda shaqaalaha dawladda. "Madbacaddu waxay u tafo-xaydatay oo ay lacag gelisay in heer sare la gaadhsiiyo qalabka iyo agabka ay ugu baahan tahay inay wax soo-saar u samaynkarto wadanka.


Ka hay’ad shaqaale ahaan, madbacaddu waxay ka mid tahay hay’adaha qaranka toos ugu diiwaangashanayn hay’adda shaqaalaha, dhammaan hay’adaha dawladda ee aan diiwaanka hay’adda shaqaalaha ku jirin, way hoos imanayaan. Waxan idiin ballanqaadayaa in ugu dambayn bisha March aydun kirtaan liiska la diiwaangelinayo ee ka mid noqon doona shaqaale-weynaha diiwaanka shaqaalaha guud ee dawladda.” Ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

Maareeyaha madbacadda qaranka Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa ka waramamay wax-qabadka madbacadda, iyo sidoo kale doorka shaqaalaha, isagoona ku booriyey dhaqaalaha inay dedaalkooda halkaasi ka sii wadaan, waxaana uu soo bandhigay halka ay hiigsanayso mustaqbalka.
Waxaanu yidhi, "Waxa innoo sharaf ah qaran ahaan inaynu inagu ismaalgalinayno ee aanay hay’addi inna maalgalinayn. Waxan hambalyaynayaa guddoomiyaha baanka Somaliland iyo agaasimihiisa sida ay u maalgaliyaan mashaariic badan oo maanta qaranka wax ugu ool ah.

Masuuliyad adag weeye in la soo qaado qalab cusub oo lix iyo toban mashiin ah, la daryeelo, lagu shaqeeyo, aanay xumaanin, markii horena aanay mshaniino xun ahayn. Waxaan ka fikirayaa inaynu hiigsano oo daboolno baahida daabacadeed qaranka Somaliland public iyo private”.
Waxaanu intaas raaciyay, "Ma intaa kaliya ayanu ku eekaanaynaa? Waa maya ee inaynu daabacaadda geeska hantino ayaa hankayga iyo hiigsigaygu yahay. Hadaba hadduu sidaa yahay, wuxuu yeelanayaa shuruudo, waxaana ka mid ah oo halbowle u ah oo laf-dhabar u ah, shaqaalaha wakaaladda madbacadda qaranka.

Ujeedada aynu leenahay maaha daabacaada oo keliya ee waxaynu leenahay xafidaada dhukumentiyada dawladda Somaliland”ayuu yidhi Maxamuud Raage.

Guddoomiyaha wargeysyadda Dawan Media Group Maxamed Axmed Jaamac, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhinaciisa sheegay shaqada ay madbacaddu u qabato qaranka.
Waxaanu yidhi, "Run ahaantii mustaqbalka dhow, waxaynu u filaynaa in madbacaddu ay dhammaan dusha u ridato wixii dhukumenti ah ee qaranka Somaliland leeyahay”.

Geesta kale maareeye-ku-xigeenka madbacadda qaranka oo hadal kooban ka jeediyey ayaa shaqaalaha uga mahadnaqay doorkii ay ku lahaayeen horumarka shaqada madbacadda iyo sidii kartida badnayd ee ay ugu hagar baxeen shaqo wanaaga lagu abaalinayo.
Waxaanu yidhi, "Maanta waa bilow, kolay cid uun baa abaalmarin la siin doonaa, Insha Allaahu intii kalena waad gaadhi doontaan, waxay ka dhigan tahay in abaalmarintan aad dhammaantiin wadaqaadateen.

Sanadkan aynnu soo dhaafnay ee maxamuud Raage ina joogay, runtii madbacadda qaranka isbeddelkii ka dhacay qaybta ugu weyn idinkaa lahaa, la’aantiin aniga iyo maareeyahay wax noo suurtogeli lahaa may jirteen.”

Dhinaca kale masuuliyiinta kala duwan ee madasha ka soo qabygalay ayaa ugu mahad naqay, isla markaana boggaadiyay dhammaan shaqaalaha madbacadda qaranka sida hawlkarnimada leh ee ay u qabteen shaqada. Ugu dambayn waxa halkaasi abaal-marinno lagu guddonsiiyey laba iyo toban xubnood oo loo aqoonsaday inay yihiin shaqaalahii ugu hawl-karsanaa sanadkii tegay ee 2019-ka.

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland
Loading...
Loading...