Cirro Waa Qof Lagu Shaqaysto Qore Mukhtar Cilmi

0
Wednesday January 22, 2020 - 09:25:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cirro Waa Qof Lagu Shaqaysto Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.



Umadd walba markay dooranayso in ay xisbi gasho amba taageerto waxay eegtay kartidiisa iyo hadafkiisa may is gaadhi karaan? Kulmiye markuu aha mucaariid umaddu waxay ku dooratay markay aragtay hogganka iyo kartida u xisbigu lahaa markuu la baraatamayay UDUB gudna ku tuuray 2010!, maanta se WADDANI miyu leeyahay karti amba hadaf ku gaadho kursiga iyo doorashooyinka danbe?!!..waad aragtayen sida ay u dhaqmayeen labadii mucaarid ee finland ka soo ambabaxay 20 sanno ka hor Cirro iyo Faysal iyo ducufnimadda maanta saaxadda siyaasiyedeed la dhex fadhiyaan waxayna dadka ku wareerenayaan doorasho ayaanu rabna ! Bal ka ugu liita waa cirro oo yadhi waxan qaatay in lakeeno komishinkii hore ee idhacay!!!...



Cirro siyaasi maaha ee waa nin ku shaqaysta sida habka NGO, Qofku markuu la shaqeeyo hay’adaha NGO loo yaqaano, had iyo jeer wuxuu sameeyaa oo soo bandhigaa qoraalo uu ku raadinayo mashruuc shaqo. Laakiin qorshaha shaqo ee lagu raadinayo kursiga siyaasadu sidaas wuu ka duwan yahay waxaanu u baahan yahay waayo aragnimo siyaasadeed iyo in qofku fahmo habdhaqanka siyaasadeed iyo ka nololeed ee bulshada codka laga doonayaa leedahay!!. Cirro waa tabtaas waligiina han u ku gaadho kursiga mabu lahayen.yu beenta u sheegaya golaha barlamaanka waa kulmiye , gurtida waa kulmiye , dawlaha hoose dhamaantood waa kulmiye ceerigaabo mooyaane!maxkamada sare iyo dastuuriga waa kulmiye ! Marka doorashada dhacaysa waa tee? Kulmiye uma baahna doorasho dalkii udhan ayu haysta!!!..


waddani na laguma baahna qaylo madhan, dadkana wey idin bartayn inaad tihiin uun calool u shaqestayaal NGO ah !!.cirro na mid baan leeyahay xiradan aad isku ooday banee maanta dalka iyo shicibkaba dhexdooda wax kuma yaalaan.taageerayaasha waddani ee weli khiyaaliga ee ka hadhay intii ka socotay wakhtigaaga kaadh khasaaro ah ka ku ciyaarin yaan lagugu shaqaysan ( sac la liso)! Ha noqon...


Qore mukhtar cilmi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...