Aqoonsiga Jamhuriyada Somaliland Waxa Uu Dan U Yahay Guud Ahaan Aduun Weynaha Marka Aad Eegto Duruufaha Gobolka Geeska Africa
28kii Sanadood Ee Ugu Dambeeyey !!
Siyaasadii Arimaha dibada Somaliland halkay maraysaa intii Xukuumadihii kulmiye dalka maamulayeen ?
Wadamada iyo Ururada aduunku maxay ugu cadaalad sameyn waayeen Somaliland iyo Somalia?
Xukuumadii uu hogaaminayey halgamaagii iyo ruug cadaagii daalay ee
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa ay wax ka badashay shuruucdii
dalka u taalay ee xaga siyaasada Somaliland iyo Somalia , waxaana ay
qaadatay dariiq kale oo ay ku waajahayso siyaasada ictiraaf raadinta iyo
aqoonsiga Somaliland kaasi oo ay u aragtay marka aynu xaga niyadsamida
ka eegno in Somaliland iyo Somalia oo wadahadla ay fursad dhow oo
aqoonsi u noqon karto Somaliland.
Haseyeeshee waxa aanay kaba fikirin dawlad Somalia la yidhaahdaa ma
jirtaa , hadii ay jirto wadahadalka aad la furtaan muxuu midho dhali
doonaa , dabcan waxa ay ahayd siyaasad aduunkuna dabada ka riixayey oo
dhaqaale badan lagu bixiyey waana sababihii marqudha loo mal-malay
siyaasadii arimaha dibada Somaliland oo aan awal ku xidhnayn wadamada
carbeed isla markaana ay ka xidhnayd in Somalia wadahadal lala galo.
Markii aan raadiyey siyaasada Somaliland ee arimaha dibadu sababta
aanay xiligaa hore u danaynayn wadamada carabta ayaa waxa aan ogaaday in
wadamada carabtu ay dhagaha ka fureysteen qadiyada Somaliland iyo
Somalia oo laba dal kala noqdaa , iyaga oo laba sababood ay kalifayeen
oo kala ahaa wadamada carabta oo ay haystaan hogaamiyeyaal iyo boqoro
talada intooda badani awood ku haystaan dalwalbana ay jiraan dad diidan
maamulkiisa oo ay wado ku furi doonto iyo Somalia oo ay u arkayeen dal
dawlado shisheeye kala goynayaan iyaga oo Ethiopia farta ku godaya iyo
wadamada reer galbeedka.
Dawladaha carabtu waxa ay iska indho tireen in Somaliland iyo Somalia
ay ahaayeen laba dal oo hore isugu biiray , waxa kale oo ay iska indho
tireen waxii dhibaatooyin iyo xasuuq burbur naf iyo maalba lahaa loogu
gaystay dawladnimadii Somalia dadka reer Somaliland oo waxa ay
duudsiyeen gar iyo xaq ay lahaayeen dadka Jamhuriyada Somaliland oo
mudnayd in la dhagaysto loogana garaabo si loo heli karo xal .
Haddaba wadahadaladii Somaliland iyo Somalia maxay dhaleen , yaa ka
faaiidey , yaa ku khasaaray maxaa laga baran karaa , iyo su'aalo badan
oo kale waxa ay jawaabahoogu noqonayaan sida tan .
Wadahadaladaasi waxa ku faaiidey dawlada Somalia ee aan Muqdisho wada
maamulin oo kaga baxday dawladii ku meelgaadhka ahayd , waxa ay heshay
aqoonsi dawladii Jamhuriyadii Somalia lahayd waxaana magaalada Muqdisho u
soo guuray safaaradihii aduunka oo dhan , waxaa loo ogolaaday in ay
isticmaasho meeqaamkii iyo magacii Jamhuriyadii Somalia iyada oo meel
kale iska daaye magaalada Muqdisho maamuli kari la .
Arimahani Somaliland waxa ay gaadhsiiyeen dhaawac wayn oo aanay ilaa
maanta ka soo kaban , heshiisyadii lawada galay waa la fulin kari waayey
waxaana wax waliba ku socdeen sida ay jeceshahay maamulka VillaSomalia
dhex fadhiya , khiyaamada Somaliland ku dhacday waxaa kow ka ahaa
dawladaha dhex-dhexaadinayey wadahadalku waxa ay ahasteen qaar aan
arimaha Somaliland iyo Somalia dhex ka noqon karin oo dhinaca Somalia u
badan , waxaana ugu horeysa dawlada Turkey.
Halkaa marka ay marayso ayaa siyaasadihii Gobolka Geeska Africa iyo
tii khaleejka carabta iyo guud ahaan siyaasada aduunka isbadelo waaweyni
ku dhaceen , waxaana abuurmay xulafooyin iyo dano siyaasadeed dhaqaale
iyo ciidan , waxaa soo baxay laba xulafo oo dhinac ay hogaaminayeen
Turkeyga iyo Qatar dhinaca kalena Saudi Arabia iyo imaaraatka Carabtu
kuwaasi ayaanay arimihii Somaliland iyo Somalia ku dhex milmeen ,
Somaliland waxa ay si aan gabasho lahayn ula safatay dawladaha S.Arabia
iyo UAE halka Somalia u janjeedhsantay Turkey iyo Qatar , waxaa iyaguna
bilaabmay tartanka dhaqaalaha ee reer Bariga Aduunka iyo reer Galbeedka
Aduunku Afrika ku kala hororsanayaan.
Markii intaasi dhacday ayaa waxa gobolka Geeska Africa ka dhacay
isbadel siyaasadeed saameyn weyn yeeshay oo uu hogaaminayey Abiyi Ahmed
Ali raisal wasaaraha dalka Ethiopia kaasi oo soo af jaray kala
colaadihii Ethiopia iyo Erateria , iskuna xilqaamay in uu siyaasadihii
ku dhisnaa colaadaha iyo cadaawaha guunka ah nabad iyo isku-furnaan wax
wada qabsi iyo horumar lagu badelo , waxaana uu socdaal ku tagey
wadamada Masar , Sudan , iyo Somalia/Muqdisho oo uu u bandhigey
siyaasada uu wato , aadna waa loogu riyaaqay xiligaasi.
Isbadelka dambe muu noqon mid niyadsamidii Abiy Ahmed iyo
qorshayaashaasii sidii uu dardarta u lahaa u hanaqaada , sababaha ugu
waaweyni waxa ay ahaayeen waxa uu iska indho tiray xaqiiqada Gobolka
Geeska Africa ka jirta oo Somaliland iyo Djibouti oo labaduba dawladiisa
muhiim u ahaayeen ayuu indhaha ka laliyey taasina waxa ay dhashay in uu
guuleysan waayo dardartii uu waday oo hadii la rabo in Geeska Africa
wax noqdo marka hore waa in la dhameeyaa caqabadaha jira oo dhan sida
qadiyada Somaliland iyo Somalia , ishaynta iyo khilaafka Djibouti iyo
Erateria , Somalia nabadeynteeda iyo culaysyada siyaasadeed ee Ethiopia
gudaheega ka jira.
Haddaba ilaa maanta waxa dawlado iyo ururo badani dedaal ugu jiraan
Somaliland iyo Somalia wadahadalkooda iyaga oo dhamaantood Somaliland oo
28 sano dawlad ahayd is maamushay oo dhul iyo bad iyo cirba xadkeedu
yahay mid nabdoon oo aduunyada iyo Geeska Africa ba ku reeyey ay ka
xagliyeen oo aqoonsadeen dawlad aan magaalada Muqdisho maamulin ,
taasina ay gef ku tahay dadka iyo dawlada Jamhuriyada Somaliland .
Qadiyada Somaliland iyo Somalia dhextaalaa waa mid sharci oo la rabo
in midowga Afrika AU , uu ixtiraamo shuruucda uu ku dhisan yahay isla
markaana uu isku xilsaaro sidii uu miiska wadahadalka ugu furi lahaa
Somaliland iyo Somalia , waayo waa hawl ay leeyihiin , cidii kale ee
aduunka kale danaynaysaana ay u daba fadhiistaan Ururka Midowga Afrika
ee AU oo isaga la xoojiyo si xal waara looga gaadho arinkan.
Somaliland oo aqoonsi heshaa waxa ay dan u tahay aduunka oo dhan
sababaha ugu waaweyni waa goobta ay ku taallo , Somaliland
marin-biyoodka Badacas ee aduunka ahmiyada weyn u leh waxa ay xad badeed
u leedahay 900km oo wax yar dhiman oo nabadgalyadeeda ay ilaalisaa
iyada oo aan caawimo dheeraad ahna cid kale ka helin , waxa ay xad dheer
la leedahay dalka Ethiopia oo xadkaasi ay Somaliland kaga beegan tahay
nabadgalyo kaga ladey , waxa ay xad la leedahay Djibouti oo iyaduna
sidaasi oo kale nabad galyo kaga noolaata dhinaca Somaliland ka xigto ,
Somaliland waxa ay xad la leedahay Somalia oo ay aad isaga ilaaliso in
dhibaatooyinka ka dhacaya Somalia ka soo gudbaan , iyo in aanay
Somaliland argagixisadu u soo dhuuman iyaga oo hore weeraro ugu soo
qaaday Somaliland.
Hadii aduunku dhayalsado arimahani Somaliland iyo Somalia waxa ay
khatar ku yihiin guud ahaan aduun weynaha iyo Gobolka Geeska Africa oo
laga yaabo isaga oo awalba dib u dhac weyni ku jiray in uu dib u dhac
dhibaatooyin dib loogu laabto , markaa waxa haboon in dawladaha jaararka
ay yihiin Somaliland iyo Somalia iyo kuwa aduunkuba ay galaan hawlaha
lagu kala furdaaminayo Somaliland iyo Somalia .
Muhamed Dhimbiil
+252634429221
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...