Hadalheynta Shacabka Ee Dhulka Danyarta Laga Baabiinayo Ganacsatadana Dib Looga Iibinayo

0
Wednesday January 22, 2020 - 08:25:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalheynta Shacabka Ee Dhulka Danyarta Laga Baabiinayo Ganacsatadana Dib Looga Iibinayo

    Qorshaha Hawlaha Guud Ee Magaalooyinka oo Fashilan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshaha Hawlaha Guud Ee Magaalooyinka oo Fashilan

Hargeysa(HWN)-Tan iyo Intii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeyntu ay, ka billowdey Sadex Magaalo Qorshaha Town-Palaningka Waxa soo baxayay Cabashooyin Xoogan oo Shacabka danyarta ahi kaga darreen celinayaan Saameynta ay ku yeelatey goobihii ay kala soo baxayeen nolol maalmeedkooda, iyo sidda Qorshani mar kaliya dhinaca kale isugu Rogey Kadib Markii uu noqdey mid dhabaha loogu xaadhayay dhismayaal dhaadheer oo Ganacsatada iyo dadka lacagaha adag heysta Xukuumada iyo Wasaaradani iyo Maamulada D/hoose ay dib uga iibinayaan Goobahaa la burburiyay Qaarkood.

Magaalooyinka Tog-Wajaale Laascaanood iyo Gabiley oo bilawgii Qorshahan laga bilaabay Waxa uu Saameyn Tabban iyo mid Togannba ku yeeshay kumanaan Qoys oo danyar ah, oo ay ka burburtey nololshoodii caadiga aheyd kadib markii laga baabiiyay Goobihii kumeel-gaadhka ahaa ee ay nolol maalmeedka kala soo bixi jirreen iyadoo lagaga burburiyay dhaqaalihii yabyabka ahaa ee ay ku hiigsan lahaayeen, mid ka koreeya halka ay taagnaayeen, Waxaana muuqda in Qorshahan uu dhex socdo talaabooyin Musuqmaasuq oo Maayaradda iyo Maamulada D/hoose doorweyn ku leeyihiin, Marka laga tago Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo aan iyaddu lamid aheyn sida loo soo agaasimey Magaalooyinka Tog-Wajaale iyo Gabiley, oo Dhismayaal iyo Musuqmaasuq dhuleed lasocdey Qorshahan.



Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa shaqada kaga ceydhiyay Wiil dhalinyar ah oo katirsanaa Shaqaalaha D/hoose ee Degmada Gabiley kadib markii uu fikirkiisa ku cabirey dadka masaakiinta ah ee sida gaarka ah looku ekaysiiyay islamarkaana, looga leexiyay inta laddan ee awoodeysa in ay iska bixiyasan lacagaha laaluushka ah ee ay ka qaadayaan Maamulada Degmooyinku.


Sikasta oo uu yahey, Qorshahan Wasaaradda Hawllaha Guud iyo Guryeyntu ku sheegtay hagaajinta Magalooyinka Waaweyn ee nidaamka(Town-Planing)ka ayaa qeyb ka ah nidaam cusub oo ay Xukuumaddu dhaqaale kaga urursaneyso, Shacabka Danyarta ah iyaddoo ay jiraan Iskuulo Dawlladeed oo Wakhti Xaadirkan Albaabkooda laga hordhisey meherado Ganacsi oo ay Ganacsato ka iibiyeen Maamulka Degmooyinka Qaarkood.

 

Hadhwanaagnews Hargeysa Office

 

Loading...
Loading...