Xadhig-Maran Iyo Mara-Booba Waa La Iska Durki-yaaye ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday March 30, 2019 - 10:07:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadhig-Maran Iyo Mara-Booba Waa La Iska Durki-yaaye ( Abdi-Shotaly).

    Waxa Guriggii Moorgan ee Hargaysa, hadana uu ku jiro askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay",

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Guriggii Moorgan ee Hargaysa, hadana uu ku jiro askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay",

ka googoostay Odayggii Saylici ahaa, isaga oo awel-ba magac u yaal ahaa ( Proper noun), uguna yeedhi jireen Madaxa-weyne ku xigeen, oo loo maqaar saari jirey Reer Awdal, gaar ahaana Samaroon, wax kaste oo uu ahaaba ama lagu sheego-ba, xaalku hadeer " Alamtarana soo dhaaf" oo wuxu marayaa meel cidhiidh-yoon, kursiga ka deg iyo Saylici oo leh " Mar baa la ina wadda doortay", sidda aynu kursiga ku fuulay-na waan isla og-nahay, waynu wadda degaynaa. Mudo laba cisho ahba wuxu joogay Boorame, isaga oo ay xoog isugu xumaadeen labadda askari ee isu noqday " Diiq iyo dhashii". Akhristaw waxa is waydiin leh, Maxaa la isku haystaa ee dhex maray? Waa tii la wadda walaaqa-naayaye xaaraanta'e? Xagee bay boogtii milishay ee ay wadda qarina-yeen ka dilaacday? Waatan malaxddii soo fatah-daye.Yaan kugu dheerayne ku soo dhawaw halka la iska qamacay:-

(a) Saylici dhawr jeer oo hore, buu hoos ugu sheegay askariga, dalkii bogaxa-ka-rogay ee maqluubka ku wadda, oo uu ku yidhi " Geenyo Shaaximani ( Waa ina kaahinka'e), Maaha madax-weyne ku xigeen ee aniga baa ah" Waa in aad ila tashataa, hayeeshee dheg umuu dhigin askriga shimbir-cagta qabaa.

(b) Laba jeer oo uu doonaayey, in uu Geenyo shaaximani soo gallo, guriga Moorgana ( oo uu debedda ku maqnaa Raggii ma adigaa ka hadhay), saylici wuu u diiday, oo wuxu ku yidhi, annaa ka taliye imika, inana xidhiidh ma lihin, sidaas awgeed ma iman karitid, haddii kale inta uu kuu imanaayo, askariggii kale shaqo ka fadhiisin baan kuu samaynayaa, hadhaw markuu yimaado kii kugu shaqaysan jirey, halkuu doono ha kuu dirtee.

(c) Sababta ay arimahani u bilaabmeeni, waxay tahay, iyadda oo aanu hoodh ku qoysan askarigu saylici, hawshii-siina loo dirtey Geenyo Shaaximan. Saylici-na uu meesha iska joogo, mushaahaaradda uun uu ku qaato, wax kalena aanu qaban-ba, sidaas awgeed baa la isaga hor yimi.

(d) Saylici wuxu ku doodayaa, Ninkani ( waa Geenyo Shaaximane) ha ku ekaado Wasiirka ku sheega Arimaha Gudaha, hana ogolaado in uu i hoos yimaado, wixii uu ka rabo halkana, uu aniga igala soo xidhiidho,

(e) Askariga arimaha gudaha, ah lax dhukani abaar moog, oo laf-tiisu quudh-saday, kana dul talaabsaday Saylici, una haysta dhagax meesha iska yaala, baa iyana sii dheer,

(f) Saylici wuxu dabeed gaadhay heer uu isaga iyo geenyo shaaximani, uu mid-koodu ku xigeen ka noqdo, waana ay ka go'an tahay, mudo badan buu xeeri-naayey in aan la maqlin, laakiin askarta dhegaha la'i, waxba way ka hoos qaadi waayeen, oo wuxu xaal-koodu noqday " Habartu hayska haw-haw-laysee, helladda inoo tuma".

( g) Waxa iyana jira, in shirkii Beesha Habar Muuse ( waa jifadda Sayliciye), ee bishii february ka dhacay Awdal, ay ka dalba-deen reerku Saylici, in ay xaqoodda si cadaalad ah u helaan, hayeeshee taa bedel-keeddii, waxa jawaab looga dhigay, in midh-midhkii ku sii hadhay laag safeeyo xilalka sidda sarkaal sare MR Xudhuun.

(h) Askariga oo baabi'iyey, deegaankii gancasiga ahaa ee la odhan jirey Xamaam", oo ay degaan-yihiin beesha hoose ee Saylici, hantiddii ummadana cagfa la mariyey.

(i) Qofka Reer Awdal ah, ee raba in uu gallo Djabuuti, waxa laga qaadaa $34, markuu dib u soo gelaayana wuxu bixiyaa $31, halka ka Wajaale uga talaabaaya kiilka shanaad ee Itoobiya, aan haba yaraatee wax-ba laga qaadin, haduu tegaayo iyo haduu ka soo gelaayo-ba.

Muwaadin, waxan ku soo dabray maqaalkan, horaa Somalidu ugu maah-maah-day " Xadhig-maran iyo mara-booba waa la iska durki-yaaye", Saylici wuxu taagan yahay, in isaga iyo askariga ka dul talaab-saday " Waa Geenyo Shaaximane), mid-kood reerka u hadho. bahalka la yidhaaho Xidhig-maranka, sidda loo fur-furaa, ee loo hello daba-diisa iyo madaxiisa mid-koodna, way adag tahay, sidaas ageed, Saylici quus buu kaga jiraa, waan-waan ka dhex dhalata isaga iyo labadda askari, ku darso oo mara-boobtu halkay ku dhegto, sidda looga dhameeyaa aad bay u hawl badan tahay, Waxan ku soo koobay xaajadan dhex taal labadda askari iyo Saylici, xalka keliya ee ay leedahay-na uu yahay, in uu ka dhaqaaqo, oo aanu ku soo noqon, ha kala yaacdee, waayo markii hore-ba cago kuma taag-nayne, ama waa in uu dariiq iska mariyo labadda askari, sidani waa quudhsi xune, oo uu cad-kiisa dhacsado ama uu is baraxo, oo yidhaaho aniga laxddii la iguma haleeyo shicib-yahaw, Ilaahay baa xaqa jecele, uu ku dhinto sharaf ilayn laba jeer dhiman-maayee.

* N.B Habartu Hayska Haw-Haw-Laysee, Heeladda Inoo Tuma!

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...