T uug Ha Taban-Taabin, Aduu Kugu Sare Tagaaye ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday January 21, 2020 - 15:32:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    T uug Ha Taban-Taabin, Aduu Kugu Sare Tagaaye ( Abdi-Shotaly).

    Horaa somlidu u tidhi " Nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jir-taaye"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horaa somlidu u tidhi " Nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jir-taaye"
Raggii ma adgaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani waa kuwii aynu ogayn, ee loogu maah-maah-maahay " In kastoo la hagaajo, oo hu magaalo la saaro, ragga kiisa hagaagsan iyo halyey loogu dhawaaqo, waa halkaad ku ogaydoo, hoori waa iska hoori" kuwani wax kaste oo lagu akhriyo, loo tilmaamo, caqli celiyo, qaar wax ku qaada-naaya maaha, in ay dhooqo sii dhex fadhii-staan mooyaane. Sababta oo ah dan baan ugu jirin, taas oo ay weliba u dheer tahay cuqdad aan dawo lahayni. umana qudh-qudhsana qiimaha ay ugu fadhido doorasho xaq iyo xaal ahi ummadda reer Somaliland. ee waa sidaanu doono baanu yeelaynaa. Waatii lagala quustay bedela kuwii ummadda kala fogeeyey, ee beelaha u kala saray, markii ay taasi ku soo ribatay, waxay khasab ku ogolaadeen in la bedelo, hadna wax kamay socon, ee qaar ka mid ah bay dib u soo celiyeen ( ah kuwii la lahaa bedela), tiina kolkii lagu gartay, baa waxay keeneen qaar ka sii xun kun jeer, oo uu hor kacaayo neefka biidhi-qaataha ah ee Ina Riyo Raac. tiina markii laga diiday, ee la yidhi yeeli mayno, albaabi kii caalamku ka soo xidhmay, ee laga joojiyey wixii beenta iyo ila-meeraysadda lagu siin jirey. waxa soo dhex galay gudiddii dhex-dhexaadinta ee ummadda ka socotay (Sheekh iyo shariif-ba). Waxay yidhaaheen waanu aqabalay wixii ay soo gooyeen gudidaas sare ku taal, hadana ma aanu fulinayno, saw kiis iska waal maaha iyo waali aan xad lahayn, malaha dar baa u haysta in ay miyir qabana askar-tuye, waa dad buka oo Xanuun iyo waali baa isugu darmay aan aduunka dawadeedda laga helayne.

 

Nin ku wacnaa khiyaamooyinka, oo dabin ka bood ahaa, baa loo tashaday in la shirabo, oo lagu tijaabiyo in uu ka boodo ul dheer, oo la kashifo si looga qaado sharafta, dabeed wuu iska gartay in isaga loo jeedo, oo la doonaayo in la qaawiyo, dabeed iskama uu waaline, waayahay buu yidhi ii dhiiba anaa ka boodaaya'e, ka bacdina farta baa laga saaray, oo lagu yidhi waa taas ee ka bood, ilayn waa nin aad u xariif ahe, inta uu dhulka dhigay, oo uu goglay ciidda buu ka talaabsaday, dabeed waxa la yidhi waa sidee? Ka bood baanu ku nidhiye, ma dhulka jiifi baanu ku nidhi? Wuxu yidhi " La jiifi-yaana banaan, la jooji-yaana banaan" layma odhan taag iyo jiif mid-na, sidaan uga boodaayo aniga bay jirtaa, ee waxa iga taqaaniin anigu in aan dusha ka maro, haday jiifto iyo haday taagan tahay-ba. Waxan u soo qaatay maanta arinkan Komishanka ku sheega ay askartu wadato, taas oo ummadii reer Somaliland farsamo ay foodda isu geliyaan uun u taagan iyo wakhti dheeraysi, Horaa loo yidhi bahal caydhin ma daayo, nina caadi ma baajo'e, aduunku wuxu ku dhex galay, oo lagu heshii-siiyey Qudhmiye, Waddani iyo Ucid, in la bedelo dhamaan calooshoodda u shaqaysta-yaasha Komishan ku sheega ah, ee ay Askarta soo xulatay " Raggii Ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan" Askariga guriga moorgan seexdda ee loo yaqaano " Xaafad-tooyadda" Wax khiyaamee buu is leeyahay, oo wuxuu xaal-kiisu noqday. Ninka aan maah-maah-diisa kor idiinku soo sheegay, oo laba weji la soo baxay, daacad-na aan ka ahayn, in uu qabto doorasho xor ah, ee dhuumaalaysi uu dhabarku muuqdo ku jira, cadayn-tiina waatan hoos ku taal.

 

Waxan ku soo af-gooyey qoraalkan. Kuwani qaar abdo leh maaha, naf-na uma hayaan dal iyo dad, waxay meesha u joogaana maaha wax kale, ee waa ka fara-qabsadda, waa kaas aduunkii dabadda inoo soo jeediyey, ee siddii bahalihii is cuni jirey foodda la isu keen sudhay, ma jiro maamul ummadda u dhexeeyaa ummadda, mana hayno wax ay soo kordhiyeen, laga soo bilaabo ilaa iyo maalintii ay maamulka boobeen, tuugtan inoo soo shaqo tegtay. waxa la yidhi " Tuug ha taban-taabin, aduu kugu sare tagaaye" sidaas bay noqotay ay sheegayso murtidda kor ku taalaa. oo waa kuwaas siddii aboor maryo ku baxay, meel walba ka dalooliyey, inaga dhigay in baaba ah, gobolo macaluuli ka soo if baxday, in dhergaysa oo iyaka ku xidhan, kooxo dooxa xashiishka baadhata, dar calooshu foosto leekaatay sidda ka ay ugu yeedhaan " Solteeko" Geenyo iyo raggii ma adigaa ka hadhay, iyo qar kaloo badan. yiciistan aan midi-mid dhaamini, qaar u diyara ah in ay doorasho qabtaan maaha. ee siddii araweelo bay leeyihiin " maan-tana far ban maydhayaa hay fadhiyo geelu" Waxa keliya ee aynu ka sugnaa hadda iyo wixii ka dambeeya waa dagaal sokeeye iyo in la isku keen burburiyo, ilayn dan-toodda baa ku jirtee. Waxan ku soo xidhay ugu dambayn, kuwa weli sacabka ugu garaacaaya isku xaafad banau nahay, iyaka baa ka shalaayi doona, Ninkii ay tuumadu haan malab ah ugu jirtaw waa eedi doontaa dhawaan, kay ka daada-naysaa waa adiga, ee iska qubayaa dhiisha caanaha ah, kii awel-ba ka qatanaa dhaameelka laga dhergay, isagagu wuu ka faa'iidayaa, oo qaska wax baa ka soo gelaya laag hor taagnaa, oo wuu bilili-qaysan wixii inta yari jaqaysay, ee aan eegno cidda ku qadda iyo ka sidaa ay ugu dhasho, dagaal sokeeye waa ina daan weyne'e.

 

* N.B Nimaad Taqaano Uur-Kiisa Baad Ku Jirtaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...