24 Saac Gudahood Ha Lagu Sii Daayo ... Hadii Kale Dhul gariir baa Dhici Doona

0
Saturday March 30, 2019 - 09:57:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    24 Saac Gudahood Ha Lagu Sii Daayo ... Hadii Kale Dhul gariir baa Dhici Doona

    Goorma Ayuu Dhamaan Doonaa Qaranimo Jacaylka Beenta Ah.Ee Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goorma Ayuu Dhamaan Doonaa Qaranimo Jacaylka Beenta Ah.Ee Somaliland.

SOMALILAND:Kulukum Beenaalayaal.LKN Anigu Run Baan Sheegayaa.

Somaliland Inay Qaran Jira Noqoto,Sharci Iyo Kala Danbayn Yeelato Aqoonsi Ka Hesho Beesha Caalamka Dadkeedu Miyay Jecel Yihiin? waa Maya.

2-Shacbigeedu Ma U Bisil Yihiin

Jawaabtu Waa Maya.

Horena Umay Jeclayn,Maanta Ma Jecla...

Way Dhici Kartaa Inay Jacayl Muujiyaan Lkn Jacaylkaasi Ay Fagaarayaasha Iyo Afka Ka Muujiyaan mana aha mid Cilmi Ku Fadhiya.

,Kulukum Beenaalayaal.Marka Laga Reebo Shakhsiyaad Kooban.

Inaad Wada Beenaalayaal Tihiin Waxaa U Daliil Ah Tusaale Ahaan: Nin Baa Ku Kacaya Fal Laf Jab Ku Ah Qaranimada Soamliland,,Ama Suxufi Ha Noqdo Ama Wuxuu Doono Ha Noqdee,Xukuumada Aad Dhisateen Baa Qabanaysa Oo Xabsigaa Loo Taxaabayaa,Iyadoo Xukuumadiinu Waxa Ay Ku Haysataa Tahay Keliya Qaranimadaa Uu Ku Gefay Iyo Cadowgaa Uu U Adeegayo.

Boqol Beeshiisii Ah Oo Salaadiin Boqorro,Iyo Cuqaal Isugu Jira,,Iyo Boqol Aan Ogayn Ama Si Fiican U Fahmin Ujeedada Shirka Jaraaid,Iyo 30 Kale Oo Aan Beeshii Ahayn Lakiin Iska Iska Hugun Raacay Ama Jibbooday,Ayaa Halkan U Boodaya,

Warbaahintay Tegayaan,Weliba Lacag Ay Iska Qaadhaameen Bay Ku Bixinayaan,Free Qaran Dumiskii ......Freee Freeee ..........Freeee ..Freee,..Madaxweynihii Imikuu ..Bilaabay .Inuu... Dadkii Muwaadinka Ahaa Iska Xidh Xidho,24 Saac Gudahood Ha Lagu Sii Daayo...

Kulukum Kadaabiin,Somaliland Jiritaankeeda,Iyo Inay Wax Noqotaanu Jecelahay,Waa Muqaddas Gooni Isku Taagu,Beenayaal Baa Tihiin.Waayo Haday Idinka Dhab Tahay Cid Kasta Oo Gabbood Fal Ku Samaysa Somaliland,Waad Nebcaan Lahaydeen,Ee Umaydaan Hadasheen,Beenaalayaal Baa Tihiin.

2-

Xirsigii Madaxweyne Siilaanyo Wadnaha Soo Gashaday Ee Uu Isagu Ina Baray,Ayaa Kol Qudhaata Sidii Uu U Joogay,Ninkii Odayga Ahaa Ee Aaminay,Ee Masuuliyadda Culus U Dhiibtay,Ayuu Isagoon Ka Warqabin Is Casilay,10 Wasiirna Wuu Ka Dareersaday,Inuu Dawladdiiba Ku Dumiyo Buu Ku Tala Galay.Inqilaab Buu Ku Sameeyay,Kadib Dalka Gudihiisa Dadkii Joogay Iyo Kuwii Dabeduba, Isku Dareen Bay Ka Muujiyeen,Aad Bay Uga Cadhoodeen,Xirsina Waa La Wada Nacdalay.

Madaxweynihii Geesinimo Weyn Buu Muujiyay,Qaranku Cid Xil U Qabata Waayi Maayo Buu Yidhi.Naqaskii Baa Naga Soo Baxay.

Yaab:Ninkii Qaran Nimadii Aynu Jacaylka Ku Metelaynay Halista Gaadhsiiyay,Ee Laga Wada Cadhooday,Ee Inqilaabka Isku Deyay,Maalinkii Danbe Ayuu Burco Tegay,Hadda Garo Oo Waa Magaaladii Uu Kasoo Jeeday Madaxweynaha Qaranka Ee Dhagarta Ka Badbaaday.....Shacabkii Burco Intay Yaaceen Oo Rag Iyo Naagaba Si Doqoniimo Ah Isu Daba Galeen,Ayay Ninkii Madaxweynaha Dalka Ku Dumin Gaadhay Ee Qaranka Dumin Gaadahay Degmada Sheekh Kaga Hor Tageen.Oo Halkaa Kasoo Gelbiyeen.

Weliba Xamaasadii Gelbiskaasi Xirsi Dad Baa Ku Naf Waayay Sidii Garoomadii Ciyaaraha Ee Caalamka.

Hadaad Jeceshiin Qaranimada Waad Nici Lahaydeen Kii Isku Deyey Inuu Dumiyo,Oo Weliba Cid Kale Ha Joogtee Ciduu Ku Dumin Gaadhay Tahay Mujaahidkii Dartood U Debed Gaaloobay.

Col Doon Baa Xamar Tegay,Farmaajo Ayuu Kasoo Barakaystay Waa Siduu Aaminsanaaye,Somaliland Buu Kasoo Buufiyay,

Inaanay Laantu Wax Jira Ahayn Buu Halkaa Kasoo Sheegay,

Dhulkuu Lasoo Dhacay Wixii Dhiigga Loo Qubay,

Si Caadi Ah Buu Hadana Ugu Soo Noqday Somaliland, Isagoon Waxba Iskaga Tirinayn.Kadib Xukuumadii Iyadoo Ka Duulaysa,Denbiga Uu Ka Galay Qaranimada Ayaa Xabsiga Lagu Tuuray,

Debedda Iyo Gudahaba Miyaan Naacdu Is Qabsan,Freeee Coldoon,Freeee,Freee Freeee Coldoon,Maxaa Lagu Heestaa,

Waa Lasii Daayay Kadib ,Wuxuu Aaday Burco,

Galooleey Meesha La Yidhaa Oo Ku Taala Woqooyiga Burco Oo Sheekh Ku Dhow Baa Lagag Hor Tegay Oo Laga Soo Gelbiyay.

Haday Run Idinka Tahay Gooni Isku Taagga Somliland Nin Denbi Ka Galay Maydaan Difaacdeen,Kulukum Beenaalayaal.

Sicir Bararka Cidda Uu Ka Yimaadaa Waa Ganacsatada,Iyagaa Cunaha Ku Qabtay,Ma Eegaan Naxariis,Danyarta Dan Kama Galaan,Inay Laban Laab Kaaga Macaashaan Oo Dhiigga Shacabka Shubtaan Bay Caado Ka Dhigteen,Sarif Bararka Iyagaa Dhala,Iyagaa Soo Dejiya Dawooyin Dhacay,Iyagaa Kaa Gada Raashin Dhacay,Iyagaa Shacbigu Maxaabiis U Yihiin.

Dawladdaa Is Odahanaysa Umadda Ka Qabo,Shirkadihii Bay Amar Ku Soo Saari Xukuumadu..Ama Cashuurtii Baa La Kordhiyay Ilayn Waa Kuwan Sicir Bararka Sameeyaye,

.Waxay Doonayaan In Cashuurtii Halkii Hore Uun Taagnaato,Iyaguna Maalinwalba Qiimo Cusub Ku Kordhiyaan Bulshadii,Kadib Maxaa Dhacaya..............Suldaan,Shacab Iyo Caaqil Intay Is Urursadaan Bay Halkaa U Bixi Mediaha Ayay Ka Hadli,Waxay Odhan Shirkad Heblaa Loo Jeedaa,Qabyaalad Baa Lagu Eryanayaa,Faraha Hakala Baxdo Xukuumadu,..Naaac Naaac Naaac

Haday Run Idinka Tahay Shacbigoow Qaranimadu Maxaad U Odhanweydeen Kuwaa Ka Hadlaya Mediaha Waa Beentiin...Dawladaa Sax Ah

Kulukum beenaalayaal.

FREE FREE FREE NAAC

masuul baa ku kacaya musuq maasuq,hantidii umaduu boobayaa jebka ku shubanayaa,waxa uu qaatay ee boobay waa cashuurtii laga qaaday islaamaha fadhiya wadhatada,beeshiisii ayaa halkaaaaaa u boodeesa,

24 Saac Gudahood Ha Lagu Sii Daayo...

Hadii Kale Dhul gariir baa Dhici Doona ..

dawladiina ku adkaysan mayso go,aankeedii,intay firka naxdo ayay sidii beeshu doonaysay u yeelasaa...

Freeeee Freee Freeee

dawlad nimada reer somalilandoow waa inaad siminaar u gashaan,garan meeysaane.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...