Tirsan-maayo Uunkuu tirtirey (gabay)

0
Tuesday January 21, 2020 - 15:12:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirsan-maayo Uunkuu tirtirey (gabay)

    Gabaygani wuxu ka waramayaa dhibaatada qaadka uu ku hayo bulshada soomaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygani wuxu ka waramayaa dhibaatada qaadka uu ku hayo bulshada soomaliyeed.

Runtii qaadku waa aafo ku habsatay umada somaliyeed kaas oo burburiyey dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, iyo dadnimada bulshada somaliyeed.



Qaadku wuxu kamid yahay waxyaabaha maanka dooriyaha (drugs) noocyadooda daran, aqoonyahanada kasmada saynisku sida ay sheegeen waxa ku jira maadooyin badan oo waxyeeleeya maskaxda iyo caafimaadka jidhka ee binu aadmiga.


Gabaygan waxa tiriyey cabdirisaaq axmed cigaal(darwiish) wuxu si dhaba u soo ban-bixinayaa dhibaatooyinka qaadka ee uu bulshaweyntu ka dhaxasho.


Gun iyo baar gabaygani waa waano umada uga digaya dibindaabyada qaadku bulshada ku hayo waxaanu yidhi:

·       Tixda gabay axmedoow waanigii buuni ku ahaaye

·       Indhawaydba waa taan ka guurey alifka weedhiiye

·       Axad noolba marku yeedhay ayaan keyga gaabsadaye

·       Ayaamahan maansadaydii ma odhan amarka weynayde

·       Wax i galayba mooyee xalaa la igu soo dagaye

·       Aduunyadan waayaha yaal ka badan awska geedaha ‘e

·       Ayaan noolba waxaad eegi wax aanad garanayne

·       Aniguna arimo aan diiday oo aada baa jiro’e

·       Oo ibtilo iyo iblays igaga daran eedaadka noloshuye

·       Alle meel daran ka tuur waa aafadaa qaadka ahe

·       Waa suntaa iblays ku muday kii aan caqliba lahayne

·       Waa kaa dadkaygii u badalay abuur aanad garanayne

·       Waa kaa arlaa’igii ka kiciyey omos iyo kulayle

·       Geyigii islaamkaba waa kaa u badalay ehel nasaaraade

·       Dariiqii asxaabaha waa kaa ka duway ehelu tawxiide

·       Waa kuwaa birta iska aslee madfac u ololaystay

·       Waa kuwaa akhyaartii caruurtii oohin isku daaray

·       Waa kuwaa asayda dumarkii u xidhee eberka u saaray

·       Waa kuwaa aayadihii diinta aad u fududaystay

·       Waa taa eexdii ku badatay geyiga aafo ku abuurtay

·       Waa kaa aqligoodii doorshee waali ku asqeeyey

·       Waa kuwaa orod salaadihii ku dhaafay amin iyo goore

·       Ardaygii waa kaas macalinkiis aan istixaynayne

·       Anshaxii waa kaa ka lumay edebta loo diidye

·       Afooyinkii qaaliga ahaa dunida aan joogno

·       Waa kaa guryahoodii ka eryee suuq isugu geeyey

·       Waa kuwaa ubadkii dayacay ubaxii reeraaye

·       Abtirsiimo maleh qaad iyo oday la sheegtaaye

·       Waa kii aduunkeen dhacay ee inaga caydheeyey

·       Ee eyro iyo geelba loo duubee eberka noo saaray

·       Waa kii abaalkeeb ba’shayee ina xushmayn waayey

·       Waa kii tacabkeenii ambiyey gabi ahaanteene

·       Waa kii ilmada inaga qubee oohin naga keenay

·       Ilaahay abuurtiisa iyo kuwii diiday amarkiisa

·       Iyaba axmadoow waa kuwii awlaxa u qaaday

·       Asaraar ma fiicnee runbaa lagu arooraaye

·       Aqli xumo kolbaa loo cabaa mur iyo alkoole

·       Hadii ay masiibada ogyihiin mawdka garab aalla

·       Oon xuskooda la doorin qaad kuma istareexeene

·       Tirsanmaayo uunkuu tirtirey iyo tu aan la sheegayne

·       Tixdoo keliya kuma ururin karo aafaduu yahaye

·       Diinteena asalka ah shantay aadka u adkaysay

·       Qaad waa kii aan ixtiraamin sida ehel najaasaade

·       Maalkuu u daran yahay caqligana waa is ilaawaane

·       Naftuu inkaar ku yahay haday anfaco kula ahaataye

·       Diintana eedankoo baxayabuu orod ku dhaafaaye

·       Akhlaaqduu dunnshaa sharafna kaa awdaaye

·       Ixsaankuu ka tagaa qofkii aad u qaayiba qaade

·       Amintuu lunshaa habeen iyo maalin waa u ololaaye

·       Axmedoow ninkaan edeb lahayn waa alllow sahale

·       Intaas oo dhibuu leeyahee wax idin tusaaleeyey.

 

Waxa Qorey:Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

 

[email protected]      Ama 0634240189

 

Loading...
Loading...