Maxaa Helay Miinadii, Miyaan Malab Lagu Dhurayn, Maxaamusuqmaasuqiyo, Inoo Keenay Maal La Xado.

0
Saturday March 30, 2019 - 09:40:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Helay Miinadii, Miyaan Malab Lagu Dhurayn, Maxaamusuqmaasuqiyo, Inoo Keenay Maal La Xado.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B),SALAAN GAARA BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B),SALAAN GAARA BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

1-MUDAY DAWLADANI JIRTAYE,MIYAAN MURANKII DHAMAN,

MUJAAHIDKA DHAARSATEEN,MIYAANU DEJIN MAATADII,

MAXAA HELAY MIINADII,MIYAAN MALAB LAGA DHURAYN,

MAAXDEEDI LA MAQURANO,MIDHIYO HOOBAN LA GURAN.

2-MAXAA MUSUQMAASUQIYO,INOO KEENAY MAAL LA XADO.

MACNIHII DAWLADI LAHAYD,MEELAY KA QALOOCANTAYE,

MALMALUQU MEESHU KU JIRO,MASUULINTU MAY SAXAAN,

MEERSIYO DHIMANBA JIREE,GOORMA LA MAARAYNAYAA.

3-MAADHKII DHULKA JIIFAYEE,MAAMULKI HORE SHEEGAYEN,

MIYAA MADHISEEN DURBABA,MA MIDAAN JIRINBU AHAA,

MIISAANIYAD MUUQATIYO,MAARAYN BAY U BAAHANTAYE,

MADADAALO IYO MALE AWAAL,MIYA QARAN LAGU MULKA.

4-DADKEENU WAXAY MUTEEN,MALAAYIIN MEEL KA DHACA,

MURTIDA SUUGANTA IYO,WAXAY MA HADHADU BARTAAN,

MASKAXDODA KA MAYDH MA HAYN,MURIYO DEEBAQ RUNA,

MACAAN BEENA UGA UDGOON,MAKEEKI MAAYAGABA GEYA.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...