Muuse Biixi Oo Booqday Mujaahid Xasan Ciise Oo Xaalad Caafimaad La Doo Daristay+Sawiro

0
Tuesday January 21, 2020 - 13:26:19 in News by
  • Visits: 2688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Booqday Mujaahid Xasan Ciise Oo Xaalad Caafimaad La Doo Daristay+Sawiro

    Muuse Biixi Oo Booqday Mujaahid Xasan Ciise Oo Xaalad Caafimaad La Doo Daristay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Booqday Mujaahid Xasan Ciise Oo Xaalad Caafimaad La Doo Daristay+Sawiro

Hargaysa(HWN):-Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cusbataalka Weyn Ee HARGEISA Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Booqasho Ugu Tegay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal Gargaar ee magaalada Hargeysa.



Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo taliyaha ciidamada Booliska, ayaa wakhti kooban la qaatay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaaladdiisa caafimaad haatan fiican tahay.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey mujaahidka, waxana uu ka xog waraystay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo sidoo kale warbixin la xidhiidha suurto-galnimada waxyaabaha loo baahan yahay in loo qabto ka dhegaystay Dhakhtarka xaaladdiisa gacanta ku haya.


Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wehelinayey, ayaa Eebbe uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo mujaahidka oo haatan ku jira xaalad kasoo rayn ah oo aad u wanaagsan.


Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu isla Cusbitaalka Gargaar ku booqday Gaashaanle dhexe Cali Maxamedow oo katirsan ciidanka qaranka, kana mid ahaa mujaahidiintii dalka usoo halgamay kaas oo xaalad caafimaad Cusbitaalka ugu jira.

Sawirka Xafiiska Afhayeenka M JSL.

 

 

Sawirka Xafiiska Afhayeenka M JSL.

Sawirka Xafiiska Afhayeenka M JSL.

Sawirka Xafiiska Afhayeenka M JSL.

Loading...
Loading...