Raysal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Madaxda Shirkada Turkiga Ah Ee Dhisaysa Jidka Muqdisho-Afgooye

0
Monday January 20, 2020 - 22:10:41 in News by
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Madaxda Shirkada Turkiga Ah Ee Dhisaysa Jidka Muqdisho-Afgooye

    Raysal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Madaxda Shirkada Turkiga Ah Ee Dhisaysa Jidka Muqdisho-Afgooye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo La Kulmay Madaxda Shirkada Turkiga Ah Ee Dhisaysa Jidka Muqdisho-Afgooye


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudaneXasan Cali Khayreoo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii Argagaxisadu u geysatay howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabashaada dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.




Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imaanaya argagaxisada damaceedu yahay inay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay kusii jiraan burburka iyo horumar la’aanta.



Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka.


Mudane Xasan Cali Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibaaraan howlkarnimada iyo geesinimada, si argagaxisada loogu muujiyo in weerarada naf-lacaarinimada ah aysan hor istaagi karin qorshaha horumarinta dalka.

—DHAMMAAD—-


Loading...
Loading...