Waxaan Ahey (TAXI-siile) Laakiin Daantaa Kale Ma Tegi Karo
			Waxa jira dhibaatooyin badan oo bulshada haysta , waxaana jirta dhibaatooyin aanu qofku gaysan,                         
   
    
    
   
   
  
 
   
	 
    
		 
     
			      
    
        
    
    
                   
      laakiin uu naftiisa ku waayi karo , 
sida aargoosiga oo kale . 
      
				
					       
				
            
					       
				
					       
				
					       
				
					       
				
					       
				
					       
				
					       
				
					       
				       
       
      
				
Waxan telefoon u diray shirkadda tagaasida , waxaan ka codsaday 
inay ( taxi) ii soo diraan , markuu (taxi ) siilihii ii yimi , ayaan 
waxaan ka codsaday inuu daanta kale igeeyo , wuxuu ii sheegay inaanu 
tegi karayn daantaa kale ee magaalada , laakiin wuxuu ii dalban doonaa 
(taxi) kale oo igeeya ,
      
 
      
				Laakiin waxaan su'aalay , oo weydiiyay oo ku celceliyay sababta 
aanu u tegi karayn daanta kale ee magaalada , mar haddii uu yahay (taxi)
 siile ? wuxuu ii sheegay in ay jirto dhibaato aanu isagu geysan 
laakiin nin ay isku qolo yihiin uu geystay .
      
 
      
				Waxaan weydiiyey bal inuu ii sii faah-faahiyo ?
      
 
      
				       Wuxuu ii sheegay in nin ay isku hayb yihiini dilay nin kale oo ah qolada daantaa kale degta ?
      
 
      
				       Arinkii aad buu iiga yaabiyay , hadana waxaan weydiiyay , arintu goorta ay dhacday ?
      
 
      
				Wuxuu ii sheegey , inay beri hore dhacday laakiin aanay ilaa iyo 
iminka dhamaan , sababtoo ah qoladii ninka laga dilay weli may samrin ,
 in kasta oo ay magtii qaateen , laakiin weli waxay ku taamaan , wallee 
ma ledno ilaa iyo inta aanu inan kayagii u aarayno .
      
 
      
				Waxaan ninkii waydiiyay : miyaad wax lug ah ku lahayd arinkan ?
      
 
      
				Wuxuu ii sheegay inaanu ogayn-ba goorta ay dhacday , qurbahana uu ku maqnaa .
      
 
      
				       Wuxuu kale oo ii sheegay in uu yahay nin gooxiisa maala , oo qoys
 balaadhan u xoog sada , laakiin arintan oo kale dhibaato wayn ayay ku 
haysaa , isaga iyo qaar kale oo la mid ahba .
      
 
      
				Hadaba dhibaatooyinka sidan oo kale ah ee aarka ku lug leh , ee 
qof -aan waxba gaysan loo dilayaa ama loogaga aarayaa qof aan lug iyo 
raad toonna ku lahayn . 
      
 
      
				Miyaanay khalad ahayn ? Ilaa iyo goormay arimaha sidan oo kale ahi sii soconayaan ?
      
 
      
				       Waa inaynu diinta baranaa , waa inaynu dawladnimada baranaa , waa inaynu dadnimada baranaa .
      
 
      
				       Waa in qofku waxa uu geysto isaga laga jaraa , oo aan qof-kale oo aan waxba ka ogayn laga jarin , wax aanu isagu geysan
      
 
      
				Arinkanu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka bulshada haysta , 
waxaan ahay (taxi) siile laakiin daantaa kale ma tegi karaayo , ma wax 
caqliga galaa ? magaalada badhna waan tegi karaa , badhna ma tegi karo .
      
 
      
				       CALI MAXAMED BIIXI
      
 
      
				AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

 
         
                     0
                0            
 
    						





