"Maamulka Hawada Waa Laynaga Xoogay Oo Hay'addihii Qaramada Midoobay Ayaa Inaga Hiiliyey"….Ex Wasiir Maxamuud Xaashi

0
Saturday March 30, 2019 - 08:48:37 in News by
  • Visits: 2150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maamulka Hawada Waa Laynaga Xoogay Oo Hay'addihii Qaramada Midoobay Ayaa Inaga Hiiliyey"….Ex Wasiir Maxamuud Xaashi

    Soomaaliya Waa Laynoo Kala Hiiliyey Ee Inagamay Adkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Waa Laynoo Kala Hiiliyey Ee Inagamay Adkaan

Hargeysa(HWN):-Maxamuud Xaashi Cabdi oo xilalka wasiiradaha Madaxtooyada iyo duulista ka soo qabtay xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa shaaca ka qaaday in hay’adihii qaramada midoobay ee gacanta ku hayey maamulka Hawadu ay ka hiiliyeen somaliland.


Maxamuud Xaashi oo wax laga waydiiyey heshiisyadii hawada ee hore u dhexmaray somaliya iyo Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka fuli waayeen dhinaca soomaaliya.




Maxamuud Xaashi oo ka hadlaya arimaha la xidhiidha hawada ayaa waxa uu yidhi "Arinta hawadu waa mawduuc aad u adag oo aynu ku kala aragti duwanahay soomaaliya, qaranimo ayaana ina dhextaala soomaaliya, qaranimona harag yar maaha, arimaha aynu isku hayno ayey hawaduna ka mid tahay laakiin hawada may haysan jirin ee qaramada midoobay ayaa inoo hayn jirtay.”


Sidoo kale waxa uu soo bandhigay go’aan ay hore u gaadhay qaramada midoobay waxaanu yidhi "Qaramada midoobay ayaa waxay hore u go’aamisayqodob la yidhaa 194, waxaana la go’aamiyey in hawada dalkii burburay ee soomaaliya qaramada midoobay dhex u hayso xarunteedana Nairobi laga dhigo oo ICAO iyo UNDP si wada jir ah u maamulaan, mudo ayaana laga wada hadlayey in la soo wareejiyo balse waanu isku mari waynay,.”


Ex wasiir Xaashi ayaa sidoo kale soo bandhigay waxyaabaha u dhigayey heshiiskii somaliland iyo soomaaliya ee Turkiga "Heshiiskii Istanbul waxa uu ahaa in mashruucaas mid farsamo laga dhigo oo aanu siyaasi noqon xaruntiisuna somaliland oo Hargeysa ah noqoto, way ka baxeen waanan isku qabanay oo waanu isku mari waynay.”


Ugu dambayn ex wasiir Xaashi ayaa sheegay in somaliland laga xoogay maamulka hawada isla markaana hay’adihii qaramada midoobay u gacan galiyeen soomaaliya "Waar dee inagamay xoog roonaan hadaynu is dilnee waa laynoo kala hiiliyey, hay’adihii gacanta ku hayey ee qaramada midoobay ayaa u dhiibay qaybtii hordhaca ahayd, markaa arimahaasi waa kuwa ina horyaala, xukuumadii Axmed Siilaanyo iyo ta Muuse Biixi midna heshiiskaas kuma jirto ee waa layna xoogay.”



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...