Askarigu Waa Marfuucal-Qalam ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday January 18, 2020 - 13:58:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askarigu Waa Marfuucal-Qalam ( Abdi-Shotaly).

    Hawgu taloo gelin qofkii dhar xidhani-ba in uu miyir qabo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawgu taloo gelin qofkii dhar xidhani-ba in uu miyir qabo,
Waxa waalidda la yidhahaa, waxay leedahay noocyo fara badan oo kala duwan, qaar baa aad moodaa in ay caadi yihiin, laakiin ay wax ka si yihiin, oo kuu dhuunta humaag aan jirin, lana moodaa markuu kula hadlaayo qof dhan, qaar baa marya-huun sita oo kala xidhan, dar kale baa iska bacaysan oo wax walba ka shakiya, in kale baa wax aan la garanayni ka dhex guuxayaan, oo intaas buuf-taamaaya, kuwo baa iyana maryaha dirqi ku xidhan oo kolkaad la hadasho, aad arkaysaa in aanay dhamayn, nooc baa jira iyana hash-kaday-naayaa siddii baabuur ay ka xumaadeen balaag-yaddii, kuwa xooray dharkii oo suuqa salaqasa-naaya baa iyana badan, dar baa waxay doonayaan ama diidayaan aan la kala fahamayn, oo wax weyni ay ka si yihiin, aan loo kala saarayn waali iyo miyir qab mid ay yhiin, kuwo ay aamusiisay baa jira iyo qaar si madax marsan, ilaa aad la sheekay-satana aad moodaysaa in ay caadi yihiin, ha-yeeshee markaad u fiirsato aad ogaanaysaa in uu khali duuraayo, koox baa iyana cuqad kala wareejisay ay waashay. kuwo lagu soo jiro baa iyana badan, oo siyaabo kala gedisan u khaa-khaa-yiraaya. Dar lagu og-yahay baa iyana dadka ku dhex nool, oo sidaas lagula socdaa. Akhristaw lama soo koobi karo siyaabaha ay u kala baxaan iyo nooc-yadda kala duwan ee ku soo aroora waalidda. aan ku soo noqdo waxa igu kelifay in aan kala saar-saaro waalidda'e, halkan hoose ka akhri.



Beriggii  Magaaladda Cadan ( waa Yamanta'e), loo sameeyey idaacadda, baa mid qaba xanuun-kaas aan nooc-yadda sare ku soo sheegay, oo yara saalax wareersani maqlay, Cadan baa laga heesayaa, dabeed kii ku yidhi buu waydiiyey " Ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa? kii la waydiiyey oo og in aanu nin-kani caadi ahayn oo lagu soo jiro, waxna ay ka si yihiin, baa ugu jawaabay " Labaduba waa sax" kii wuu u qaadan waayey waxa lagu yidhi, ka bacdi wuxu ku celiyey " Sidee bay labaduba sax u noqon karaan? Waxa misana loogu jawaabay " Adna qof caadi ah ma tihid, Cadana waxa loo sameeyey Idaacad, oo fanaaniin bay leedahay ka heesta" Markaas labaduba waa run. Ujeedo iyo haatan, askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay" ee Hargeysa gabley-shimbirta ka tumanaya, ha moodina in uu miyir qabo, ee wuxu qabaa xanuun-kaas aan xagga sare ku soo sheegay, weliba waa nooca ah " Inta maryaha dirqiga ku sidata" oo waa "Marfuucal-qalam" Ay Malaa'iigtii ka dareertay markay u taag wayday, sidaas awgeed waxba lagama qori karo.ruu lagu jirona maaha,lagu mana soo dhawaan. Haday indinka idin-la khaldan tahay taasi, waxad is waydiisaan " Imisa jeer buu ka baxay balan uu qaaday?" Ma sheegi kartaan tiraddii faraha badnayd, ee inta uu meel is la soo taagay, uu sheegay wax uu yidhi waan samaynayaa? Misna siddii lagu yaqanay beentii noqotay? Wax aan jirina uu la shir yimi, halkii laga filaayey wuxuu balan qaaday in uu dhamays tiro? Hadana uu sheeko kale bilaabay iyo ila-meerayso oo aan tiiba ahayn? Saw waali dhab ah maaha, weliba ay qaar sidaas leeyihiin wax-ba kama si aha.


Muwaadin waxan ku soo dabray maqaalkan, Haddii aynu isu sheegno waxa jira iyo qaabka ay wax uga socdaan Maamul Goboleedka Hargeysa ka dhisan, ee guriggii Moorgan lala hoos fadhiyo, qaar uun baa meel baas oo beelaysan ula kacaaya, Xataa haddii aad si kaste runta u taab-siiso oo aad u tusto, kuwa sii waalaaya Askarigan " Marfuucal-qalam ah" been-tana u sheegayaa qaar ka sii daran ma aha, oo iyaka laf-toodu aan dhaamin iyo kuwo dan gaar ah ku wata, oo is leh haddii uu qof caadi ahi yimaado kusiga, waxad kan waalan aad ka helay-saan baa aydin waayi doon-taan. Si kaste-ba xaalku ha ahaadee, Waxa hubaal ah, oo qofkii in uun dani ka hayso Somaliland (Dal iyo dad-ba), aanu iska dhego tiri karayn, si wacan uu u og-yahay, una arko in aanu " Raggii ma adigaa ka hadhay" Xiskiisu dhamayn, laga soo bilaabo ilaa iyo dagaalkii " Marya-aloolka" kolba soo laba-kaclay-naayey, imikana uu ku jiro waali buura ah. Dhawaana hadaan jeel magnuunka la geyn inta goori-goor tahay, waxa la arki doono isaga oo maryaha garabka ku qaatay. Sababta oo ah wuu dhaafay wakhtiggii wax laga qaban lahaa, oo hadda ma laha dawo. Waxa la yidhi waayeelaw wax laguu sheeg, laguna tusye wax ku qaado, waase ka malafan yahay kani, Waxay Somalidu tidhaahaa " Illaahaw haa iyo maya meel hanagaga wadda keenine" Bal hadaanu sidaas ahayn, Wuxu ina leeyahay waan aqabaly "Qodobaddii ay gudiddii dhex-dhexaadintu soo saareen, hadana fulin maayo" Bal is weydiiyoo yaa ciyaar-taas dheela ama sameeya? Jawaabtu waxa weeye " Qof aan dhamayn uun baa ku kici kara, kaas oo aany wax-ba ka go'in, isna ogayn wuxuu hore u yidhi, sidda askarigan bilaa maskaxdda ah, ee 30 sano horteed uu madaxu faaruqay.
* N.B Illaahaw Haa Iyo Maya Meel Ha Nagaga Wadda Keenin!

Qore-;- Abdi-shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...