Dacwad Laga Gudbiyey Abwan Weedhsame, Hay'adda Loo Gudbiyey Iyo Cida Ka Dambaysa

0
Friday January 17, 2020 - 19:03:55 in News by
  • Visits: 4638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwad Laga Gudbiyey Abwan Weedhsame, Hay'adda Loo Gudbiyey Iyo Cida Ka Dambaysa

    Dacwad Laga Gudbiyey Abwan Weedhsame, Hay'adda Loo Gudbiyey Iyo Cida Ka Dambaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dacwad Laga Gudbiyey Abwan Weedhsame, Hay'adda Loo Gudbiyey Iyo Cida Ka Dambaysa


Hargeysa (HWN) Xukuumadda Somaliland ayaa  joojisay bandhig suugaaneed uu magaalada Berbera ku qaban lahaa Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ka mid ah hal-abuurka dhallinyarada ah ee ku nool dalka.Gebi ahaan waxa hudheelkii xafladda lagu qaban lahaa la wareegay ciidamada kala geddisan, sidaas awgeedna waxa uu ku soo laabtay magaalada Hargeysa.

Natiijada sawirka abwaan weedhsame


Abwaan Weedhsame ayaa dhinaca kale ahaa macallin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland tan iyo sannadkii 2005ta oo uu ka qalin-jebiyay waxbarashadiisii jaamacadda Camuud ee cilmiyada xisaabta iyo fiisigiska. Laakiin waxa dacwad ka dhan ah loo gudbiyay sida ay ilo xog-ogaal ahi noo xaqiijiyeen Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland bishii Nofember 2019ka, waxaana dhambaalkaas abwaanka lidka ku ah tebiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Abokor oo ay is khilaafeen abwaanka.


Muddadaas kaddib waxa abwaanku uu bartiisa Facebook ku faafin jiray gabayo duludoodu tahay in aanu dhuuni-raac noqon, in uu xor yahay, in aanu cuni rabin xoolaha agoonta iyo in uu gaashaanka u daruuro guul-wadaynta. Sidaas awgeed waxa uu abwaanku cadaadis badan kala kulmay dhallinyarada xukuumadda taageera, kuwa xilalka haya ee ay isku deegaanka yihiin loona yaqaanno Heego.


Lama oga in Abwaan Weedhsame laga caydhin doono wasaaradda waxbarashada oo uu ka qabtay shaqooyin kalan duwan muddo shan iyo toban sanno ah.


Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...