Safiirka Ingiriiska Ee Soomaaliya Oo Kormeer Ku Tagay Xaafada Daami Ee Hargeysa Iyo Waxyaabihii Uu ku Arkay+Sawiro
Hargeysa(HWN):-Safiirka dalka ingiriiska u qaabilsan soomaaliya Amb Ben Fender oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa kormeer ku tagay xaafada Daami.
afhayeenka guud ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo weftiga safiirka ku qaabilay xaafada Daami ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay ujeedada kormeerka iyo waxyaabaha uu kala kulmay.
afhayeen Barkhad waxa uu faah faahiyey waxyaabihii dhexmaray weftiga safiirka Ingiriiska iyo dadweynaha ku nool xaafada Daami ee magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi :-
Ambassador Ben Fender oo uu wehelinayo wakiilka Dawladda Igriiska u qaabilsan Somaliland Mudane Stuart Brown ayaa saaka Xaafadda Daami ee magaaladda Hargeysa aanu ku qaabilnay.
Wafdiga ka socday dowladda Ingiriiska waxa si weyn ugu kuur galeen xaaladda xaafadda, oo dayac badan oo dhanka waddooyinka, caafimaadka, garoomada, iyo ka qeyb galka siyaasadduba haysto.
Wafdigu waxa ay muddo saacad ah dhex marayeen xaafadda, isla markaana dhagaysteen war-bixino nolosha bulshadayadataabaneysa, ugu dambeyn waxa aan u mahadcelinayaa Madaxda Dawladda Ingriiska ee Xafiiska Hargeysa oo si toos ah xidhiidh noola leh sannadkanna mashaariic horumarineed ka fulin doona deeganka Daami.
![]() |
![]() |