Madaxweynaha Puntland Oo Cafis U Fidiyey Odayaal Xukun Maxkameed Ku Dhacay

0
Friday January 17, 2020 - 18:37:17 in News by
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Cafis U Fidiyey Odayaal Xukun Maxkameed Ku Dhacay

    Madaxweynaha Puntland Oo Cafis U Fidiyey Odayaal Xukun Maxkameed Ku Dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Oo Cafis U Fidiyey Odayaal Xukun Maxkameed Ku Dhacay


Garoowe(HWN):-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.11 oo ku taariikheysan January 15, 2020 Cafis gaar ah ugu fidiyey 5 xubnood oo dhowaan Xukun Maxkamadeed uu ku dhacay.

Image may contain: 1 person


Madaxweynaha Dowladda Puntland


Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, farqadiisa 11-aad.


Markuu arkay: Qodobka 149-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed


Markuu arkay: Warqadda sumadeedu tahay XIG/DPS/ /2020, kuna taariikhaysan 14/01/2020, ujeedadeeduna tahay Codsi Cafis Gaar ah Maxaabiis Xukuman, kana soo baxday Xafiiska Xeer-ilaalayaha Guud ee Dowladda Puntland


Markuu Tixgaliyay: Xaaladooda Caafimaad iyo waliba mida Da’dooda ee xukumanayaasha hoos ku xusan


Wuxuu xeeriyey:


1. Waxaa cafis Madaxwayne oo gaar ah loo fidiyey Xukumunayaasha magacyadoodu kala yihiin sidatan:-


1.1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

1.3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

1.5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah.


Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


=DHAMMAAD=

Loading...
Loading...