Qarandidu Geella Ha Iga Didisee, Weliba Way Ii Sii Qururuf Leedahay ( Abdi-Shotaly).
Bani'aadamka qaar baa, iyadoo ay bukto laabtu,
Bogga hoosiyo beerku, bello hoos ku haysta ( Qabyaalad),
Beeli ay ka dhex guuxdo, babinaayaya colaad,
Iyo beel la colaw, siigo boodh leh ku dhuunta,
Been ka sheega qaran, mucaraid baa duminaaya,
Hadda waa kuwii burburshay, baguugaa ka dhigay,
U baneeyey xabaasha, bakhti-geedi bireeyey,
Weliba soo bay-bay-sanayaan, dar aan beesad ogayni,
Baroor aan run ahayn, kaga baaqaya suuqa,
Iyakoo bushma-hoodda, xaqii eebbe ku baaqay.
Oo bohol weyn ku riday, Wax quraanku bayaanshay.
Axaadiistii boqranayd, bil cadaan u hor yaala.
Aan dib ugu noqdo ujeedka qoraal-kane, Abdi-shotaly, uma joojiyo Caqli-Gaab beelaysan, oo isku qarinaaya magac dhintay oo ay ku sheegaan, wax ay ku magacaa-baan Somaliland, kaas oo ay in yari ku lisato. Waa aniga ( Abdi-Shotaly) ka ugu daacadsan ee u dagaala-maaya, xuquuq-dda dalka iyo dadka, in Magacii Somaliland ee Qudhmiye tirtiray, uu dib u soo nooleeyo, geed dheer iyo mid hoose-ba u fuulay, bogcad kaste isu soo taagay, hadeer-na u taagaan difaaceedda qaranaimo iyo jiritaan-keedda, cadaalad loo siman yahay, wax wadda lahaansho, oo ay inta askariga ku xeeran iyo qoys-kiisu, sidda gafanaha uga soo go'een, xataa baloodhaddii dan-yarta xoog ku boobay ( Isku wadda dar Jeegaanta ha kala reebine). Waxan ahay ka diidan in uu askarigu aaso sharciga iyo distoorkii uu inooga tegay Mohamed Xaaji Ibraahin Cigaal ( Ihun), Waxan waydiinayaa, Kuwa uu maqaal-kani ka hadlaayo, wax-ba ha isku qarinina ciiro'e, si cad u soo banaan baxa, waynu is gondo og-nahay oo wax-ba la isu qarin-maayo'e. Ma been baa waxan sare ku soo sheegay? Waxad tihiin kuwii la yidhi " Qarandidu geela ha iga didisee weliba way ii sii qururuf leedahay". Waar nacas-nimadda qaawan ha iila imanina, sidaas la iguma khaldee, waan idinka il-dheerahay, oo la iima galgasho aniga.
Waxan ku soo xidhay qoraalkan, Doqon meel iskaga baydh ah, oo meela-haas ku soo faygara, una badheedhi karayn war-baahinta iyo aniga, oo ibriiq ka adimaa ima hawaysto, oo isaga oo wuxu ku daba socdo " Raggii ma adigaa ka hadahy iyo geenyo Shaaximan" la isla wadda og-yahay, baa aniga i leh Cimral-cibaado baad ku jirtaa. Waar todobaatan bay sare ka mareen labadda askari, boqol buu sanka la galay odayga magaca gaalka lihi, Af-dulqaa isna daa hadal-kiisa waa 68 jir, Waa imisa jir Gafane ( waa ka aad gaafaadhi tidhaahaane), Cali baqdaadi waa 75 jir, Sheeg Saylici intuu jirey, Cabdiraxmaan habalha buuga ka qorey. Ka baarlmaan ku sheega hor fadhiistaa Baashe waa imisa jir, Saciid Sulub aniga buu Saddex sano iga sii sareey, oo aanu isku Oodweyne ahayn, markii uu ka baxaayey fasalka 8aad 1969kii, anna waxan ahaa fasalka 5aad, way wadda dhaafeen da'ddii xil lagu aamini lahaa, oo waa wadda asaasaq, Waxa dalka sidaa ka dhigay-na. lama soo koobi karo akhristaw yiciistan isku urur-satay " Xaafad-tooyadda" Hadaba waxa la yidhi " gar weecsan iyo eexi, waa wed kugu maqan" Rabbina kaagma tago, Laakiin liid sidiina ahi meel kale buu farta ku fiiqaa. Shakhsi waalan ( Waa askariga'e) oo meel uu marayao iyo wuxu odhanayao, mid-na aan garan karin, weliba ah askar intii la yaqaany kii ugu sii liitay, idinkoo kaba-qaadyo u ah, dad aydaan gaadhayn ( waa aniga'e) ha ku lugo darsa-nina, Waxa iga walaahi, in aanu xaar-kayga u dhigmin askarigu'e ( waxa kale iska daayoo), Afka ciidda ku gura ima dul iman kartaan, idinka iyo waxad wadataan-ba'e. Huush-fooqal-huush yahay bilaa damiirka ahi.
* N.B Dameer Fuuf Mooyaane, Fal Wacan Laga Waa!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!