Xarunta Daraasaadka Siyaasada Ee CPA Oo War Ka Soo Saartay Doorashooyinka Somaliland

0
Friday January 17, 2020 - 18:18:46 in News by
  • Visits: 1805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Daraasaadka Siyaasada Ee CPA Oo War Ka Soo Saartay Doorashooyinka Somaliland

    Xarunta Daraasaadka Siyaasada Ee CPA Oo War Ka Soo Saartay Doorashooyinka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Daraasaadka Siyaasada Ee CPA Oo War Ka Soo Saartay Doorashooyinka Somaliland



Xarunta daraasaadka siyaasadda Somaliland ee CPA, ayaa qoraal waxaa ay maanta qoraal ka soo saartay arrimaha doorashooyinka Somaliland.




Nuxurka qoraal dheer oo ay soo saartay xaruntu, ayaa lagu yidhi sidan:-


Qoraalka kasoo baxay xarunta falanqaynta siyaasadda ee CPA, ayaa lagu yidhi sidoo kale; ‘’Aad bay u khatar badan tahay marka rajada iyo aaminka muwaadiniintu ay ku qabaan hoggaamiyeyaashooda siyaasaddu hoos u dhaco, waxay aqoonsanayaan inay hoggaamiyeyaasha siyaasaddu danaynayn walaaca dadwaynaha, balse keliya ay danaynayaan hamigooda siyaasadeed.


Qoraalka kasoo baxay xarunta CPA, ayaa gabagabada lagu soo afmeeray talooyin dhawr ah kuwaas oo kala ahaa in:-


1.Siyaasadaynta habka doorashada si loo gaadho dano shakhsi amaba siyaasadeed inay dhaawici karto aaminka mustaqbalka ee cod-bixiyeyaasha iyo shaqada komishanka doorashooyinka sidaa darteed CPA waxay ugu yeedhaysaa daneeyayaasha ay ku jiraan golaha guurtida, xisbiyada qaranka iyo madaxwaynuhu inay ixtiraamaan rabtiaanka muwaadiniita ee ah in doorasho la qabto sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagal ah.


Xarunta falanqaynta siyaasadda ee CPA, ayaa ugu baaqday inay masuuliyiintu inay danta guud ka horumariyaan danta gaarka ah.


Tan Iyo Markii Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Uu Aqbalay Talo-Soo-Jeedintii Guddida Dhexdhexaadinta, Waxaannu Bay Yidhaahdeen CPA Ugu Baaqaynaa Madaxwaynaha Inuu Fuliyo Ballanqaadkiisii Xallinta Khilaafka Doorashooyinka Iyo Inuu Hoggaan U Noqdo Hirgelinta Soo Jeedinaha Guddidii Dhexdhexaadinta.


3. CPA waxay xustay in xisbiyada qaranku ay yihiin daneeyayaal muhiim ah marka ay noqoto doorashada,waxaannu ugu baaqaynaa inay caawiyaan madaxwaynaha si uu u xalliyo arrinta guddida doorashooyinka qaranka iyo caqabadaha sharci.


4. Somaliland kama go’doomi karto adduunka, waxay u baahan tahay wax ka badan baahida dalalka kale si ay wanaag u hesho xidhiidhka aynu la leenahay saaxiibada caalamiga ah, sidaa darteed, waxaannu ugu yeedhaynaa madaxweynaha iyo xisbiyada siyaasadeed in miisaan culus la siiyo talooyinka shuraakada caalamiga ah.


Gabagabada qoraalka kasoo baxay xarunta CPA ayaa lagu yidhi:


5. Aad bay khatar u tahay haddii hoggaamiyeyaasha dhaqanku, ay ku lug yeeshaan khilaafka Guddida doorashooyinka Qaranka, Waxaan ugu yeedhaynaa odayaasha dhaqanka ee la ixtiraamo inay ka fogaadaan siyaasadaynta Khilaafka komishanka doorashooyinka qaranka iyo in fursad loo siiyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed si ay u xalliyaan khilaafka doorashada.

 

Hargeisa Press Desk Hargeisa Office.

Loading...
Loading...