Taliban Iyo Mareykanka Oo Wada-hadallo Ku Leh Doha

0
Friday January 17, 2020 - 18:14:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban Iyo Mareykanka Oo Wada-hadallo Ku Leh Doha

    Taliban ayaa diyaar u ah inay xabad-joojin 10 maalmood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliban ayaa diyaar u ah inay xabad-joojin 10 maalmood
ah la gaaraan ciidamada Mareykanka, haddii ay heshiis ay la gaaraan wada-xaajoodayaasha Mareykanka ee ay wada-hadalka kula leeyihiin Doha.


Taliban ayaa sidoo kale diyaar u ah inay yareeyaan rabshadaha ka dhanka ah ciidamada Afghanistan, islamarkaana ay wada-xajaood la yeeshaan saraakiisha dowladda Afghanistan.



Haddii heshiis noocan ah la gaaro, waxay dib usoo nooleyn kartaa rajadii laga qabayo xal waara oo laga gaaro dagaalka Afghanistan.


Taliban iyo wada-xaajoodayaasha Mareykanka ayaa Arbacadii iyo Khamiistii kulmay, si ay uga wada-hadlaan saxiixa heshiis nabadeed, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay xafiiska Taliban ee Qatar.


Wada-hadallada waxay ahaayeen "kuwa miro dhal ah”, waxayna sii socon doonaan maalmo, sida uu sheegay afhayeen Suhail Shaheen, oo qoraal soo dhigay twitter,


Madaxweynaha Mareykanka ayaa wada-hadallada joojiyey bishii September kadib markii weerar ay fuliyeen Taliban lagu dilay askari Mareykan ah.

 

Sources: VOA

 

Loading...
Loading...