Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Iyo Labadiisa Ku-Xigeen Oo La Doortay

0
Friday January 17, 2020 - 18:07:27 in News by
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Iyo Labadiisa Ku-Xigeen Oo La Doortay

    Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Iyo Labadiisa Ku-Xigeen Oo La Doortay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Iyo Labadiisa Ku-Xigeen Oo La Doortay


Muqdisho(HWN):-Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartameen musharax xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan.


Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa helay 54 Cod guud ahaan tirada xildhibaannadii 89 xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug halka musharaxa kale ee la tartamayay Cabdinaasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod.



Sidoo kale Baarlamaanka Galmudug ayaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad u doortay Cabdullaahi Xirsi Maxamed oo helay 59 Cod waxaana uu ka guuleystay Saadiq SheekhYuusuf Ibraahim oo helay 29 Cod.


Sidoo kale Baarlamaanka Galmudug ayaa Faadumo Cabdi Cali u doortay guddoomiye ku-xigeenka 2aad, waxaana ay Faadumo 47 cod uga guuleysatay musharixii la tartamayay Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo helay 41 Cod.


Faadumo Cabdi Cali ayaa noqoneysa haweeneydii labaad ee guddoomiye ku-xigeen ka noqotay Baarlamaannada dowlad gobolleedyada dalka ka jira marka laga soo tago Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo Qof Dumar ah ay ka mid tahay Guddoonka Sare.

Hadhwanaagnews

Muqdisho/office

Loading...
Loading...