Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Amar Xukuumadu Ku Joojisay Bandhig Faneed Uu Ku Qaban Lahaa Berbera.

0
Friday January 17, 2020 - 17:58:04 in News by
  • Visits: 2484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Amar Xukuumadu Ku Joojisay Bandhig Faneed Uu Ku Qaban Lahaa Berbera.

    Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Amar Xukuumadu Ku Joojisay Bandhig Faneed Uu Ku Qaban Lahaa Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Amar Xukuumadu Ku Joojisay Bandhig Faneed Uu Ku Qaban Lahaa Berbera.


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Muuse Biixi ayaa awood dawladeed ku hor istaagtay bandhig suugaaneed uu Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ku qaban lahaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Natiijada sawirka abwaan weedhsame


Wararka ayaa xaqiijiyey in xukuumada Muuse Biixi ay amar ku siisay maamulka gobolka Saaxiliyo kan degmada Berbera inay joojiyaan bandhig faneedka uu abwaan weedhsame ku qabanayo magaalada.


Maamulka Berbera Beach Hotel oo ah hudheelkii loogu tala galay in lagu qabto bandhig faneedka Abwaan Weedhsame ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in la joojiyey munaasibadii abwaanka.


Dhinaca kale abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa xaqiijiyey in xukuumadu hor istaagtay bandhig faneedkii uu doonayey inuu ku soobandhigo magaalada Berbera waxaanu yidhi "Dawlada ayey fadhidaa, aniguna hawshaas xaflad aan hayaa ma jirto oo waa la diiday, dawlada ayaana diiday ayaa laygu yidhi meeshiina waa layga hor joogsaday.”ayuu abwaan weedhsame u sheegay eryaltv.


Sidoo kale abwaan Weedhsame oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxa lay soo sheegay in xukuumadu magaalada Berbera amar xaga sare kaga keentay, maamulka magaalada ayaana sidaas ii sheegay oo waan hubaa.”

Loading...
Loading...