Madaxweyne Muuse Biixi Oo Taliyeyaal Cusub U Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Dalka

0
Friday March 29, 2019 - 22:24:52 in News by
  • Visits: 9047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Taliyeyaal Cusub U Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Dalka

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Taliyeyaal Cusub U Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Taliyeyaal Cusub U Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Dalka


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa taliyeyaal cusub magacaabay qaar ka mid ah ciidamada somaliland.

Warar rasmi ah oo ay Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale "Afgaduud"kaas oo loo magacaabay abaanduulaha ciidamada qaranka somaliland.




Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada u magacaabay gaashaanle sare Muuse Cilmi oo markii hore ka mid ahaa saraakiisha ciidamada qaranka.

madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidookale xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada asluubta somaliland sareeye Guuto Xudhuun isaga oo taliyaha ciidankaas u magacaabay sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf oo hore u ahaa abaan duulaha ciidamada qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka sirdoonka somaliland Jaamac Maxamed Bootaan(Ciro) isaga oo u magacaabay Xuseen Xasan Guuleed(Kenyatti) oo hore u soo qabtay xilkan.

Madaxtooyada somaliland ayaan si rasmi ah u shaacin taliyeyaashan ciidamada ee uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.



Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:-[email protected]

Loading...
Loading...