War deg-deg ah:-Shaqaale Ka Dareeray Madaxtooyada Somaliland, Tiro Is Casishay Iyo Khilaafka Sababay

0
Thursday January 16, 2020 - 19:52:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 14014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    War deg-deg ah:-Shaqaale Ka Dareeray Madaxtooyada Somaliland, Tiro Is Casishay Iyo Khilaafka Sababay

    War deg-deg ah:-Shaqaale Ka Dareeray Madaxtooyada Somaliland, Tiro Is Casishay Iyo Khilaafka Sababay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg-deg ah:-Shaqaale Ka Dareeray Madaxtooyada Somaliland, Tiro Is Casishay Iyo Khilaafka Sababay

Hargaysa(HWN):-Waxa beryihii u danbeeyay khilaaf wayni u dhaxeeyay Shaqaalaha iyo Madaxda  Madaxtooyadda Somaliland, waxaannu khilaafkani keennay in shaqaaluhu kala shikiyaan oo si wayn u kala qaybsamaan.


Image result for Xarunta Madaxtooyada Somaliland
I
nkastoo Madaxtooyaddu deddaal iyo culays badan saartay siddii ay u dabbin lahayd khilaafka Shaqaalaha iyo qaar ka mida La-taliyeyaasha Madaxweynaha oo qawad iyo salluug ka muujiyay hannaanka iyo habka ay wax u socdaan, haddana deddaaladaasi umay hirgelin oo siddii ay filayeen arrimuhu way noqon waayeen, waannay ku guuldaraysteen dejinta shaqaalahoodda tabashadda badan qabay.

Waxa maanta shaqooyinkooddii iska casilay ama joojiyay 13 Xubnood oo iskugu jira Shaqaale iyo La taliyeyaal ka tirsan Madaxtooyadda Somaliland, kuwaasoo qaba tabashooyin kala duwan, caddaalad-darro iyo eex lagula kacay, kuwaasoo sida ay sheegayaan Ilo wareedo madaxa-bannaan ayaa Warbaahinta Hadhwanaagnews u sheegay inay shaqaalahaasi si rasmiya u joojiyeen hawlihii ay ka hayeen xarunta Madaxtooyadda Somaliland, hase-yeeshee Madaxtooyaddu kamay hadal khilaafka ka dhex-jira iyo sababta ay shaqadda uga tageen 13 Xubnood oo isugu jira Shaqaale iyo La-taliyeyaal, balse waxa ay taas badalkeedda waxay Shaqaalihii iyo La-taliyeyaashii shaqadda ka tagay ay ku adkeeyeen inaanu warkaasi dibadda uga bixin oo ay qariyaan.

Talaabaddani waxay muujinaysaa oo daaha ka qaaddaysaa Caddaalad-daradda iyo eexda ka jirta xarumaha dawladda oo Madaxtooyaddu hormood u tahay duudsiga xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha Somaliland, gaar ahaan kuwa ka hawl-galla xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo 13 Xubnood oo isugu jira Shaqaale iyo La-taliyeyaal ay shaqo ka tagis sameeyeen, kadib markii ay ku qanci waayeen Qabyaaladda, eexda, qaraabo u kiilka iyo musuq-maasuqa ka jira xarunta Madaxtooyadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi, oo maamuli kari waayay khilaafka ka dhex jira Xafiiska uu uga arrimiyo shacabka Somaliland, siddee buu u maarrayn karraa durruufaha dhankasta leh iyo khifaadka siyaasaddeed ee dalka ku geddaaman? bal adba akhriste!

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...