Madaxweyne Muuse Oo Tacsi U Diray Wasiirkii Hore Maaliyada Oo Aabihii Geeriyooday

0
Thursday January 16, 2020 - 16:46:08 in News by
  • Visits: 3119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Oo Tacsi U Diray Wasiirkii Hore Maaliyada Oo Aabihii Geeriyooday

    Madaxweyne Muuse Oo Tacsi U Diray Wasiirkii Hore Maaliyada Oo Aabihii Geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Oo Tacsi U Diray Wasiirkii Hore Maaliyada Oo Aabihii Geeriyooday


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Raage oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2020,Caasimada Somaliland ee Hargeysa.



Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi wasiirkii hore ee horumarinta maaliyadda, imikana ah xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka mudane Yuusuf Maxamed Cabdi oo uu marxuumku aabbihii ahaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JS

Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...