Allah Ha Naxariistee Faysal Hooyadii Ayaa Muse Aakhiro Uga Soo Jawaabtay.

0
Thursday January 16, 2020 - 16:11:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Allah Ha Naxariistee Faysal Hooyadii Ayaa Muse Aakhiro Uga Soo Jawaabtay.

    Horta madaxweyne Muse Biixi Mushkilad caafimaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horta madaxweyne Muse Biixi Mushkilad caafimaadka
 ah baa haysta oo in la xannnaaneeyo mooyee way adagtay in maamul lala wadaago.

Mushkiladaasi waxay ka soo raacday  dagaaladii SNM iyo qaaxo waana mushkilad ku dhacda dadka dagaalada soo gala waa trauma aan maskaxda ka bixin koritaanka maskaxdana joojisa , in aragti cusub maskaxdu  dhalisana xannuun kaasi wuu u diida maskaxda ( without vission)ayuu qofku noqdaa wax loo sheego uunbuu  qaban karaa qofka CUDURKAASI ku dhacaa. Dagaal iyo  cadho ayaa fikirku u battaa iyo baqasho iyo dabin-ka-bood iyo wacad fur aan kala joogsi lahayn.



Hadda arinkan qacan ka hadal ka ah ee uu Faysal Cali Waraabe kula kacay waa arin dawladii jaarka iyo  kuwii kaloo dhami maqleen, qof kastoo madaxa oo SOMALILAND imanayana madaxiisa waxaa soo gelaya inuu Madaxweyne  SOMALILAND xafiiska hoosta uga xidho oo la dagaalamo waa arin wadanka oo dhan ceeb ku ah  qofkastana maanta madaxiisa ku jira yar iyo weyn. Gabadh  baa tidhi waa la I aroorshay xalay wax riyo ah oo kale ah ayaa  islaan dhar cad cad xidhan oo qurux badan oo ooyeysa baa la u tusay  oo ii timi  waxay  tidhi  Faysal  Cali Waraabe hooyadiibaan ahay  Oo luxidkaan la lasoo kacay markuu nin dheer oo madawi  inan kaygii la dagaalamayo oo la igu yidhi bay tidhi waa Madaxweynihii wadanka. Markaa waxay tidhi gabaygaa u gee  ninkaa Muse Biixi la yidhaa ee inankayga la dagaalamaya. Gabayga waxaa la yidhaa bay tidhi : KELIGAYBA KUMA QOONSANINE QARANKU KAA YAAB.


QASHIIM LAGAMA WAAYO ARLIGA QOOMAMIYO CIILE.
QARJAC MUUDLE WAA ARKI JIRAY QAATAN ABDKIIYE.
ADIGUNA QASAARAWDAY OO QURUX LAGAA WAAYE.
WAAR HADDAAD XILQAADAY CAYDA WAA LAGA QASHAAFAAYE.
MA QUMANA  WALAASHAA INAAD XUMA  U QUUDHAAYE. 
Haddaad se qiimo leedahay hablaha waad qadarin layde. 
INKASTAAN JANNA FARDAWSA U QALMOO EEBBE IGU QUUDO.
ANIGUBA QAABADOODAAN AHOO QADAFKU WAA CEEB.

NACAS SHARAFTII LAGA QAADAY OO QAAWAN BAAD TAHAYE. 
KELIGAY KUMAAN QOONSANINE QARANKU KAA YAABYE.
QOOMAHA MARKAAN EEGAY IYO HADALKA QAARKIIBA
ANIGOO NUSAA KUU QAJILA MARARKA QAARKOODE.
QUBLAYAHAW LA SHEEG INAAD AFXUMO QAYB U LEEDAHAYE. 
KELIGAY KUMAAN QOONSANINE QARANKU KAA YAABYE. 
ROOXAANTII KAA QAYLISOO QAYLADII TIMIYE.
WAXAA SE QAAYIMAN DHOWAAN  WAAD SOO QULQULAYSAAYE.
EDDO WAXBA KAA QARINMAAYEE CADAABTII WAA LAGUU QORAY DHEH.


Hadaba Faysal waxaa la gudboon kol haddii hooyadii  Allah jannada ha ka waraabiyee samada iyo aradkaba laga hadal hayo inuu  quraan badan u akhiriyo oo u duceeyo , hangool kuna haddaanuu waxba iskaga waabinay naftiisa wadankana waxba hangool tariwaaye kitaab quraana ha ku bedelo. 

M Bashe

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...