War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo La Kulmay Safiirka UK Iyo Madaxtooyada Oo Ka Gaabsaday Shaacinta Cadaadis Lagu Hayo Kornaylka

0
Thursday January 16, 2020 - 15:15:46 in News by
  • Visits: 3013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo La Kulmay Safiirka UK Iyo Madaxtooyada Oo Ka Gaabsaday Shaacinta Cadaadis Lagu Hayo Kornaylka

    War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo La Kulmay Safiirka UK Iyo Madaxtooyada Oo Ka Gaabsaday Shaacinta Cadaadis Lagu Hayo Kornaylka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo La Kulmay Safiirka UK Iyo Madaxtooyada Oo Ka Gaabsaday Shaacinta Cadaadis Lagu Hayo Kornaylka


Hargeysa(HWN):-Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan soomaaliya Amb Ben Fender ayaa socdaal ku tagay magaalada Hargeysa.


safiirka oo hogaaminaya wefti ka socda safaaradiisa Muqdisho ayaa kulan la qaatay hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi oo mugdi badan galiyey dimuqraadiyadii iyo doorashooyinkii somaliland.

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Image may contain: 2 people, people sitting

war ka soo baxay madaxtooyada somaliland ayaa lagu faah faahiyey qodobada uu safiirku kala hadlay hogaamiye Muuse Biixi iyada oo guud ahaanba ka gaabsatay inay shaaciyeen cadaadiska uu safiirka UK ku saaray Muuse Biixi inuu ku soo noqto tubtii sharciga iyo dimuqraadiyada somaliland.


warka ka soo baxay madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan:-


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender.


Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka dalka.


Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi.


Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dal in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika.


Dhinaca kale madaxtooyada somaliland guud ahaanba way ka gaabsatay inay faah faahin ka bixiso qodobada la xidhiidha khilaafka guddida doorashooyinka ee xukuumadu abuurtay in safiirku uu kala hadlay hogaamiye biixi.



ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...