Saraakiil Ka Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Xilal Looga Magacaabay Ciidanka XOoga Soomaaliya

0
Thursday January 16, 2020 - 14:42:01 in News by
  • Visits: 7016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ka Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Xilal Looga Magacaabay Ciidanka XOoga Soomaaliya

    Saraakiil Ka Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Xilal Looga Magacaabay Ciidanka XOoga Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil Ka Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Xilal Looga Magacaabay Ciidanka XOoga Soomaaliya


Hargeysa(HWN):-Saraakiil ka tirsanaa ciidamada qaranka somaliland oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa la shaaciyey inay ka goosteen ciidanka.


Sida ay sheegayaan warar soo gaadhaya Hadhwanaagnews, saraakiishan oo uu hogaaminayey kornayl Axmed Ciise ayaa dhamaantood ka dagay magaalada Muqdisho ee caasimada dawlada federaalka ah ee soomaaliya, iyada oo xilalna looga magacaabay ciidamada soomaaliya.




Saraakiishan ka goostay ciidamada somaliland ayaa go’aankan qaatay ka dib markii lagu qiimayn waayey aqoontoodii milatariga ee ay ka soo barteen wadanka Itoobiya iyaga oo sitay shahaadooyinka sare ee Master isla markaana uu Muuse Biixi xafiiskiisa ku qaabilay.


Saraakiishan oo markii laga qiimayn waayey somaliland iska xaadiriyey soomaaliya ayaa hada loo dhiibay xilal kala duwan oo ay ka qaban doonaan ciidamada milatariga dawlada federaalka ah.


Kornayl Axmed Ciise oo hogaaminayey saraakiishan u wareegay dhinaca federaalka ayaa dawlada soomaaliya u magacawday Hogaanka tababarada ee ciidamada xooga dalka soomaaliya.


Sidoo kale saraakiisha wehelinaysay ayaa dhankooda iyagana loo dhiibay xilal kala duwan oo ay ka qaban doonaan ciidamada xooga soomaaliya.


Saraakiishan ka goostay ciidanka somaliland ayaa go’aankan qaatay ka dib markii uu wax qiimayn ah siiyey hogaamiye Muuse Biixi oo ay marar door ah la kulmeen, isaga oo ka caga jiiday in xilal sare looga magacaabo ciidamada qaranka.


Dhinaca kale go’aankan ay qaateen saraakiishani ayuu saamayn weyn ku lahaa taliyaha ciidanka xooga dalka soomaaliya Odowaa, kaas oo ay isku kuliyad ka soo baxeen saraakiishan ka goostay ciidanka qaranka somaliland.


Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...