Safiirada Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Hargeys Iskugu Imanaya & falanqaynta socdaalka diblomaasiyiintan

0
Thursday January 16, 2020 - 13:59:34 in News by
  • Visits: 2301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirada Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Hargeys Iskugu Imanaya & falanqaynta socdaalka diblomaasiyiintan

    Safiirada Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Hargeys Iskugu Imanaya & falanqaynta socdaalka diblomaasiyiintan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirada Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Hargeys Iskugu Imanaya & falanqaynta socdaalka diblomaasiyiintan


Hargeysa(HWN):-Safiirka Maraykanka danjire Donald Yamamoto iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa inuu maanta Madaxweyne Biixi la yeesho kulan.




Donald Yamamoto ayaa inkastoo aan socdaalkiisa war rasmi ah laga soo saarin, haddana waxa la sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ay caqabado soo waajaheen iyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.


Geesta kale safiirka Ingiriiska danjire Ben Fender iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa isna maanta socdaal ku imanaya magaalada Hargeysa, waxaanay wararku sheegayaan in safiirku u socdo arrimaha doorashooyinka Somaliland, waxaanu kulan la yeelan doonaa Madaxweyne Biixi.


Ma cadda in socdaalka safiiradan oo uu fadhigoodu yahay Muqdisho ay xidhiidhsanyihiin iyo in kale, laakiin dadka diblomaasiyadda falanqeeya ayaa aaminsan in socdaalka diblomaasiyiintu yahay mid xidhiidhsan, waxaanay u socdaan inay madaxda siyaasadeed ee Somaliland culays ku saaraan in laga gudbo khilaafka guddiga doorashada oo loo hawlgalo in doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku qabsoomaan sannadkan 2020. Waxa kale oo ay u socdaan dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho.


Diblomaasi la socda arrimaha Somaliland iyo dalalka reer galbeedka ooGeeska Afrikau waramay balse ka cudur daartay in magaciisa la sheego ayaa yidhi "Safarada badan ee diblomaasiyiintan reer galbeedka ah ee maalmahan imanayay Hargeysa xilli wadanka ay ka jiraan khilaafyo siyaasadeed oo u dhaxeeya xukuumadda iyo mucaaradka waxay tilmaamaysaa warwar iyo cabsi ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan xagga doorashooyinka iyo xagal daac ku iman kara geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.”


Socdaalada safiiradan ayaa waxay imanayaan xilli ay doorashooyin ku qorshaysan wakhtigoodii sharcigu jideeyay si habsami ah looga diyaar garoobayo dalalka Somaliland la jaarka ah sida Itoobiya iyo Soomaaliya.


 

Loading...
Loading...