Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Oo Musuq Cagaha La Galay Iyo Dhismayaal Uu Ka Samaystay Deyrka Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali+Sawiro

0
Wednesday January 15, 2020 - 21:51:45 in News by
  • Visits: 3362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Oo Musuq Cagaha La Galay Iyo Dhismayaal Uu Ka Samaystay Deyrka Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali+Sawiro

    Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Oo Musuq Cagaha La Galay Iyo Dhismayaal Uu Ka Samaystay Deyrka Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Oo Musuq Cagaha La Galay Iyo Dhismayaal Uu Ka Samaystay Deyrka Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali+Sawiro


Hargeysa(HWN):-16kii Ogos 2018ka ayuu Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) uu soo saaray wareegto uu ku joojinayo in dano gaar ah looga faaiidaysto dhulka Deyrka dugsiga Maxamuud Axmed Cali oo ay Wasaaradda Waxbarashadu ugu deeqday dab-damiska Koonfurta Hargeysa.




Waxa jiray dad ku hawllanaa markaas inay dhulkaas bakhaarro ka dhigtaan, sharci-beenaadna uga samaysan rabay dawladda Hoose ee Hargeysa. Dadweynaha Maxamuud Haybe ayaa iyaguna si adag uga hadlay in aan cid gaar ahi qaadan dhulka deyrka Dugsiga Maxamuud Axmed Cali.


Ugu dambayntii waxaa dhawaan la furay qolal uu kireeyay Maayar kuxigeenka caasimaddu samaystay oo laga dhigay banjarleyaal. Xilligii uu boobka dhulkani socday waxa si cad goobta u iman jiray oo difaaci jiray wiilal la dhashay maayar ku-xigeenka caasiamdda.



Waxa la-yaab ah in la iska dhega-tiro warqaddii Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxaana dawladda hoose, wasaaradda hawlaha guud, booliska iyo madaxtooyada Somaliland ummaddu ka sugaysaa inay u caddeeyaan cidda leh dhulkaas ay sheegnayaan qoyska maayar ku-xigeenka caasimaddu.


 

Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...