Kala Diris Ama Joogid Mid Uunbay Noqon Goleyaasha Deegaanka..W/Q Maxamed Gacayte.

0
Friday March 29, 2019 - 19:11:25 in Articles by
  • Visits: 1167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala Diris Ama Joogid Mid Uunbay Noqon Goleyaasha Deegaanka..W/Q Maxamed Gacayte.

    Kala Diris Ama Joogid Mid Uunbay Noqon Goleyaasha Deegaanka..W/Q Maxamed Gacayte.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala Diris Ama Joogid Mid Uunbay Noqon Goleyaasha Deegaanka..W/Q Maxamed Gacayte.



29 March, Maalintii loo asteeyay inay Doorashada Golayaasha Deegaanku qabsoonto.


Ninbaa wuxuu u tagay Faaliye, wuxuu u sheegay in lacag ka luntay, una baahan yahay in faalka looga eego lacagtii, mushqaayadiina miiska ayuu saaray. Faaliyahii wuxuu ku yidhi "Lacagta Waad helaysaa ama Waad waayaysaa"! Kkkk. Waaba halka faaliyahaase Golayaasha Deegaanku Way joogayaan inta gole cusubi imanayo ama waa lakala diri, labadaas mid uunbay noqone aynu dhawrno waayaha.



06 March 2017, Golaha Guurtida JSL waxay mudo kordhin u samayeeyeen Doorashada Golayaasha Deegaanka laga bilaabo 28 Nov. 2017 ilaa 28 April 2019, Doorashaduna waa inay qabsoonto bil ka hor mudo xileedka loo kordhiyay. Komishankuna wuxuu u mudeeyay maalinta doorashada 29 March 2019.


Mudo xileedkii loo kordhiyay Golayaasha Deegaanka bil ayaa ka hadhay 28Apr2019. Komishankuna wuxuu u asteeyay in doorshadu qansoonto waa maanta29March2019. Golaha Guurtida wax mudokordhin ah umay samayn mudo xileedka Golayaasha Deegaanka oo ku eg28 Apr 2019. Xeerkii ay u raaceen mudo kordhintii hore malaha wuu ka lumay! Alle hasahlo.


Cali caynaanshe wuxuu yidhi Afartaa halaad mid uunbaa dirsooc noqon. Hadaba afar hal miduunbay noqon lahayd xaalka Golayaasha Deegaanku.


1. Inay Doorashada galaan waqtigii loo mudeeyay
2. In mudokordhin loo sameeyo
3. In lakaladiro dhamaan
4. Inay Iska fadhiyaan inta gole cusub lasoo dooranayo, sidii golayaashii deegaanka ee ka horeeyay.


Hadaba, Labada hore way galbadeen doorasho iyo mudakordhin midna may dhicin, waxa soo hadhay kaladiris iyo iskafadhi, labadaas mid uunbay noqon.


Waa inoo iyo29 April 2019 iyo Xeer.No.23 oo wax kabadal iyo kaabis Golaha Wakiiladu ku sameeyeen dhowaana la ansixin doona, saamayntiisana leh.

Wabilahi tawfiiq

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...