Wasiirka Biyaha oo Xadhiga ka jaray Mashruuc laga hirgeliyay Magaaladda Burco+Sawiro

0
Wednesday January 15, 2020 - 16:56:17 in News by
  • Visits: 2546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Biyaha oo Xadhiga ka jaray Mashruuc laga hirgeliyay Magaaladda Burco+Sawiro

    Wasiirka Biyaha Soomaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuc Laga Wasaradu Ka Fulisay Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Biyaha Soomaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuc Laga Wasaradu Ka Fulisay Burco
Hargaysa(HWN):Wasiirka Horumarinta Biyaha JSL Maxamed Muuse Diiriye Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Ee Dhinaca Biyaha Oo Lag Hirgaliyay Magaaladda Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo Maalmihii Ugu Danbeeyay Waday Hawlaha Dardar Galinta Biyaha Ee Goboladda Somaliland Ayaa Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco.


Waxaana Hadaladiisii Ka Mid Ahaa "Burco Iyo Gobalka Togdheerba Waa Inuu Helaa Biyo Ku Filan Oo Macaan Waxaanan Ilaahay Ka Baryaynaa Inuu Noo Fududeeyo Hawshaas Baaxada Leh, Hawsha Aanu Saaka Halkan U Nimi Waa Mid Aanu Ku Furayno Mashaariic Horumarineed Oo Wasaaradda Horumari Biyuhu Ka Fulisay Gobalkan Togdheer, Sida Oo Kale Wasiirka Ayaa Shacabka Gobalka Togdheer Kula Dardaaramay Inay Ilaashadaan Ceel Biyoodka Loo Hirgaliyay.

Badhasaabka Gobalka Togdheer Mudane Xamse Maxamed Cabdi (Walaaleeye) Oo Madasha Hadal Kooban Ka Jeediyay Ayaa Tibaaxay In Muhiimada Koowaad Ay Tahay Biyaha Aadamahuna Ka Maarmi Karin Biyaha Waxaanu Tusaaale U Soo Qaatay Maah Maah Tidhaadhda "Oon Waa Loo Dhintaa Se' Gaajo Looma Dhinto", Waxaanu U Mahad Naqay Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland.


Odayaasha Iyo Dadka Ku Dhaqan Ayaa Soo Dhaweeyay Ceel.Biyoodan Looga Hirgaliyay Deegaankoodii Waxayna U Mahadnaqeen Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland.

Ugu Danbayntii Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye Iyo Badhasaabka Gobalka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Ayaa Si Wada Jir Ah Xadhiga Uga Jarey Ceel Biyood Laga Hirgaliya Gobalka Togdheer.


 Hadhwanaagnews.com
 Hargaysa.Office
Loading...
Loading...