Cabdiraxmaan Saylici Oo Bilaabay Dhexdhexaadin Uu Isku Xilqaamay Oo Aanu Kalsooni Kaga Heli Karin Kornayl Muuse Biixi

0
Wednesday January 15, 2020 - 14:52:00 in News by
  • Visits: 3613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Saylici Oo Bilaabay Dhexdhexaadin Uu Isku Xilqaamay Oo Aanu Kalsooni Kaga Heli Karin Kornayl Muuse Biixi

    Cabdiraxmaan Saylici Oo Bilaabay Dhexdhexaadin Uu Isku Xilqaamay Oo Aanu Kalsooni Kaga Heli Karin Kornayl Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Saylici Oo Bilaabay Dhexdhexaadin Uu Isku Xilqaamay Oo Aanu Kalsooni Kaga Heli Karin Kornayl Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa hada bilaabay dedaalo uu doonayo inuu hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ku qanciyo inay mar kale wada hadal la furaan Muuse Biixi.

Natiijada sawirka saylici iyo muuse biixi


Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici ayaa dhexdhexaadinta uu bilaabay oo aanay cidina wakiilan balse uu kaligii isku xilqaamay waxa uu isku tusay inay muhiim tahay in la fuliyo heshiisyadii kala duwanaa ee Muuse Biixi la gaadhay xisbiyada mucaaridka ah.


Wararka Hadhwanaagnews soo gaadhaya ayaa sheegaya in Saylici oo aanay jirin codsi uga yimid kornayl Muuse Biixi iyo hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ahi uu kaligii isku xilqaamay sidii uu iskugu soo dhawayn lahaa kornayl Muuse Biixi iyo hogaanka mucaaridka ee kala fogaaday.


Talaabada uu madaxweyne ku xigeen Saylici kaligii iskugu xilqaamay ayaa timid ka dib markii uu Faysal Cali Waraabe shaaciyey dagaal gacan ka hadal ah iyo cay hooyadii ku saabsan oo uu kala kulmay Kornayl Muuse Biixi wakhti ay shir kula qaadanayeen xafiiskiisa madaxtooyada.


Sida ay sheegayaan warar Hadhwanaagnews soo gaadhaya, madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa ilaa hada halmar la kulmay hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah isaga oo ku wargeliyey inuu ka raali gelinayo khalad kasta oo kaga yimid kornayl Muuse Biixi isla markaana ay ka aqbalaan dhexdhexaadinta uu wado, balse jawaabta ay Faysal Iyo Ciro ka bixiyeen dalabka Saylici ayaan ilaa hada si rasmi ah loo cadayn.


Inkasta oo aanay jirin kalsooni uu madaxweyne ku xigeen ku qabo kornayl Muuse Biixi oo uu muujiyey hadana wararka ayaa sheegaya inuu hogaamiyeyaasha xisbiyada ku qanciyey in la joojiyo hadalada xanafta leh ee laysku marinayo warbaahinta isla markaana la furo wada hadal lagu dhameeyo khilaafka taagan, kaas oo aan la saadaalin Karin natiijada ka soo bixi doonta.


Si kastaba ha ahaatee dedaalada uu bilaabay madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici ayaan rajo buuran laga qabin inay ka soo bixi doonto natiijo togani maadaama oo Kornayl Muuse Biixi uu soo xidhay albaab kasta oo ay suuragal ahayd inay heshiis la gaadhaan xisbiyada mucaaridka ahi.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...