Cali Baqdaadi Oo Musuq Maasuq Casriyeysan Ka Saxeexday Kornayl Muuse Biixi…..Faallo

0
Wednesday January 15, 2020 - 14:22:13 in News by
  • Visits: 2302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Baqdaadi Oo Musuq Maasuq Casriyeysan Ka Saxeexday Kornayl Muuse Biixi…..Faallo

    Muxuu Yahay Adeega Eshiling Ee Cali Baqdaadi Ku Bixinayo Mushaharaka Shaqaalaha Dawlada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Yahay Adeega Eshiling Ee Cali Baqdaadi Ku Bixinayo Mushaharaka Shaqaalaha Dawlada?


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Ibraahin Baqdaadi oo musuq maasuq baahsan gaystay mudadii uu xilka hayey ayaa sii balaadhiyey qorshaha uu ku lunsanayo hantida shacabka somaliland ee danyarta ah.

Natiijada sawirka cali baqdaadi iyo muuse biixi


Cali Baqdaadi oo hadyo jeer ku hawlan samaynta iyo hirgelinta qorsheyaal halis ah oo ku musuq maasuqayo hantida shacabka isla markaana gacansaar weyn iyo taageero ka haysta hogaamiye Muuse Biixi ayaa hada daah furay barnaamij u fudaydinaya inuu musuqo lacago badan oo aanay cidina la ogaan Karin cadadka ay leeg tahay.


Gudoomiye Baqdaadi ayaa barnaamij cusub oo uu dhawaan daah furay isla markaana uu sheegay in baanku ku shaqaynayo waxa ku hoos jira oo uu kku fulinayaa musuq maasuq aad u baahsan oo uu ku dhacayo hantida umada somaliland ee uu masuulka ka yahay.


Adeega cusub ee Eshiling ee uu gudoomiye Cali Baqdaadi sheegay in mushaharka lagu siinayo shaqaalaha dawlada ayaa ah barnaamij uu ku gaysanayo musuq baahsan oo uu ku leexsanayo mushaharaadka shaqaale aanay cidina la ogayn tiradooda iyo cadadka lacagta uu ku dhacayo.


Barnaamijkan oo uu Cali Baqdaadi ugu sheegay kornayl Muuse Biixi inuu yaraynayo musuqii shaqaalaha iyo tiradooda ayaa ah mid uu ku leexsanayo mushaharka shaqaalaha loo yaqaano caaglaha kuwaas oo aan ilaa hada si rasmi ah tiradooda loo ogayn.


Gudoomiye Cali Baqdaada barnaamijka Eshiling waxa uu gashanayaa lambaro been abuur ah iyo magacyada shaqaale aan jirin kuwaas oo uu si dadban u musuqayo mushaharkii ay qaadan lahaayeen.


Qorshaha uu gudoomiye Cali Baqdaadi ku hirgelinayo musuq maasuqiisa ayaa waxa u fudaydinaya iyada oo aanay cidina la ogaan doonin tirada shaqaalaha ah ee uu sheegay in mushaharka lagu siin doono adeegan uu samaystay ee Eshiling, halka shaqaalaha rasmiga ahna lagu siin doono adeegyada shirkadaha Telesom iyo Soltel ee Edahab iyo Zaad.


Sidoo kale barnaamijkan ayaa suura gelinaya inan la ogaan tirada rasmiga ah ee shaqaalaha dawlada ka qaadata mushahar joogto ah iyo darajooyinka ay ku xaadiraan, iyada oo nidaamkan ka hor si waadix ah loo wada ogyahay shaqaalaha ka mushahar qaata hay’ad kasta oo dawladeed iyo darajooyinka ay shaqaaluhu kala leeyihiin.


Gudoomiye Cali Baqdaadi hore kornayl Muuse Biixi si faan ah ugu sheegi jiray inuu gacanta ugu hayo beeshiisa Garxajis isla markaana mucaaridnimada ay ku hayaan ka dajinayo ayaa mar kale hogaamiyaha si indha sarcaad ah u liqsiiyey barnaamijkan Eshiling oo uu ku lamaan yahay musuq maasuq baahsan oo uu hoosta ku wato.


Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa qaabka uu Cali Baqdaadi musuq maasuqiisa ugu hirgeliyo barnaamijkan iyo sida ay iskula jaanqadi doonaan Kornayl Muuse Biixi oo u muuqda inuu raali kaga yahay Baqdaadi boobka uu ku hayo hantida umada somaliland ee ka timid dhididka danyarta ee la cashuuray.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...