Dhako Finish Laguma Soo Dhawaan (Abdi-Shotaly)?

0
Wednesday January 15, 2020 - 13:41:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhako Finish Laguma Soo Dhawaan (Abdi-Shotaly)?

    Higlooy gabal kuu dhac , Ma hadaa Quraarad tuur,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Higlooy gabal kuu dhac , Ma hadaa Quraarad tuur,
hooyo cay iyo Haraatiyi ka bilaabantay Guriggii Moorgan, Berina Qoriga baa xigiye, bal marka hore ila eega xaajoo-yinkan yaabka leh, ee aan soo wado adba waad ka wareeriyi. Maskaxeey ba', Abwaan Qaasim (Ihun) baa waxa ka mid ahaa murti-diisii " Cirsanka yeedhkii caawana war, buu sheegay cali-yawe, Wuxu yidhi halkuu ku cayubnaa. cirirki soo dhaafye, Xidigahan casaadiyo dayaxan, caadka lagu meershay, cilmi felega wuu garan, raggii caalimka ahaaye, caamadu waxay moodayaan, curasho dayreede, Anuun-baase mooradan cakiran, kuu caydayn kara'e, Haddii caad cadceed lagu dhex daro, wayska cidin-ciide, Cadceed soo baxdaba noole, waa ku cibro qaataaye, Waaggii cadaadaa-ba, waa caynayd gooniyahe" Akhristaw waa run, oo ayaantii timaadaa-ba waxay wadataa wacdaro cusub iyo waali hor leh, aan ku soo dhawaado'e, inkaste oo ay askartu sideeda-ba dhanqan xun yihiin, oo ay yihiin wax la garaad ah qoriga ay sitaan, taariikh-dda aduun-kana aan lagu ahayn, mid hagaagsan oo soo maray, maanta bay taagan tahay " Ka dara oo dibi dhal" Waxan maqli jirey mid Xamar Dowladda hoose haysta oo la yidhaaho magaciisa " Dhako Finish" oo hadaad sii raacdo micnaha ku jiraa uu yahay " Maskax madhan" si kale hadaan u dhigo waxay noqonaysaa " Nin-kaas laguma soo dhawaan" oo goror-ba madaxa dul saaran looguma shubin, ee wax garasho hor illaahay buu ka tagaan yahay. waxan intaas u soo dul maray hoos ka akhri.



Waxa la yidhi Dib-jir tuugo ma qirto, inuu dafiro mooyaane. Qofku marka uu mishiinka maskaxdu is duqeeyo, ee uu maryaha dhigto waa la gartaa, oo xaal-kiisa meel baa lagu tiiriyaa, laakiin markuu mishiinku uu kala-kaco, ee uu hashka-deeyo, siddii baabuur ay ka xumaadeen balaag-yadu, waxa la isku qabtaa, ma dhama iyo wuu is nasakhayaa, baa mudo badan lagu murmaa, wuu miyir qabaa iyo waa ka bes kama baxo, ilaa uu shaaca qaado, oo wax u hadhsan la waayo. Halkaa markay arimuhu marayaan, waxa loogu taliyaa in la xidh-xidho, inta aanu khasaare ku keenin ehelka, dalka iyo dadka. Waxa cayn-kaas ka dhigan, oo sifa-haas leh, Askarigan wajaqan ee Hargeysa ka botoriya " Xaafad-tooyadda" Muwaadin waa sidaase, bal a an idiin horey-siiyo su'aale, Ma idin-la tahay in uu nin waalani dal xukumi karo? ( How a mental person can administer or lead a country?) Waxay tahay jawaabtu, haddii aan la is yeel-yeelayn, oo runta la is taab-siinaayo " Waa maya oo ma xukumi karo"Hadaba haddii aad intaas ila garateen, oo aan isla fahanay, sidee buu askariga la yidhaaha "Raggii ma adigaa ka hadhay iyo kan iska daba raq-raq leh siddii lax haraadan ee Geenyo shaaximani" loogu sii dayn karaa maamul dal iyo dad? La yaab ma laha, oo kuwa-kuwaas wax ku aaminay baa ka sii daran, ( Waa dhamaan Ummadda Reer Somalilande), Wixii aynu ka dhaxalay-na waa taa idin hor taala, ee uu albaabadda isugu dhuftay, dawladdii qarqarka u saarnayd, kolkii uu Madax-weyne Daahir Riyaale Kaahin uu hogaanka hayey ( Alle caafimaadka haw dheereeyee). Oo haddii gobi jnirto nin aan cidi ugu tegayn iyo dul-qaad, hadda kutaan cuqdadaysan baa ina qabsatay oomane.


Waxan ku soo xidhay qoraalkan, Somlidda baa waxay ka yaabtay, bahalka la yidhaaho daayeerka, oo salaad walba intaan diigu daakirin kalaha, isaga oo xoogsi tag ah, dabeed maalin ayaamaha ka mid ah, baa loo yeedhay, oo lagu yidhi waanu ku waraysanay-naaye soo fadhiiso, hadaad tahay Mr Daayeer, jilbaha baa la is daray, waxana la waydiiyey " Waa tan oo naftii ka baxday, anana kaa seexan weynay, oo qacda-waagga-salaadda, intaan diig-ba dhawaaqin baa isla qaxdaaye, bal waxad nooga warantaa " Adiga iyo qadhaab halkaad isla maray-saan" Halkii wax kale laga eegaayey, baa iintuu dhuuso ka kacay yidhi " Sanqadhaa bal dhegaysta" Ma ur xun baa mise waa cadar udgoon? " Daba-daydda iyo Ishaydda ka fiiriya " Qadhaab Waa kaa indhihii iyo futaddii ila casaadeen, xoogna tunkayga iyo tagoogay-ga ka eega. Waxan uga socdaa? Ma waxa aad ka rajo qabtaan in uu wax hagaajiyo askarigan waalan ee ragga " Hooya-dood caayaaya, ku tuuraaya quraaradda, ee Laadaka la doona-naaya "Gudmoomiyaha Ucid" kaa sidaas ahi ma miyir qabaa? Wax ma maamuli karaa? Ma la aamini karaa? Qawl ma leeyahay? Bal wuxuu ina leeyahay, " Waan aqbalay qodobaddii dhex-dhexaadinta, hadana ma fulinaayo, ee waali iyo miyir qab kee baa lagu tiriyaa? Awel-ba inaka oo ogayn in uu yahay magnuun, kadaab ah aanay u kala sooc-nayn xaraan iyo xalaashu, runta iyo beentu, dad iyo xoolo mid uu yahay aan la kala garan karin, laakiin sawirka bani'aadamka leh ( Ilayn makhluuqa ilaahay way isu eekaan karaane). ka noocaas ah baa lagu sheegayaa Magacyo aanu geyin, una qalmin, meela u soo marin, been ah, taasina waa waxa sii waalay ee baradda ka sii saaray, waa kaa af-rogay dhiilkii caanaha ahaa ee Udub ku wareejiyey. ee ka dhama hadaba idinkaa waraabe hilbo ku raraye.

* N.B Dib-Jir Tuuqgo Ma Qirto, In Uu Dafiro Mooyaane.

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...