Baarlamaanka UK Oo Ka Horyimid Heshiiska Raysal Wasaare May Ee Ka Bixida Midawga Yurub Iyo Shir Degdeg Ah Oo Brussels Ka Dhacaya

0
Friday March 29, 2019 - 18:45:13 in News by
  • Visits: 3536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka UK Oo Ka Horyimid Heshiiska Raysal Wasaare May Ee Ka Bixida Midawga Yurub Iyo Shir Degdeg Ah Oo Brussels Ka Dhacaya

    Baarlamaanka UK Oo Ka Horyimid Heshiiska Raysal Wasaare May Ee Ka Bixida Midawga Yurub Iyo Shir Degdeg Ah Oo Brussels Ka Dhacaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka UK Oo Ka Horyimid Heshiiska Raysal Wasaare May Ee Ka Bixida Midawga Yurub Iyo Shir Degdeg Ah Oo Brussels Ka Dhacaya


London(HWN/Agencies):-Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa ka horyimid heshiiska ay raysal wasaare Theresa May ku doonayso inay kaga baxaan midawga Yurub.




Xildhibaanada baarlamaanka Ingiriiska ayaa aqlabiyadoodu isku raaceen inaan midawga yurub lagaga bixin heshiiska ay doonayso raysal wasaare Theresa May.


Xildhibaano tiradoodu gaadhayso 344 ayaa u codeeyey inaan Ingiriisku midawga yurub kaga bixin heshiiska ay soo hor dhigtay raysal wasaare Theresa may, halka xildhibaano tiradoodu tahay 286 ay u codeeyeen in heshiiskaas la meelmariyo si ay uga baxaan EU.


Sida ay ku waramayso jariirada Daillymail, raysal wasaare Theresa May ayaa haatan qorshaynaysa in la kala diro baarlamaanka isla markaana dalka laga qabto doorasho guud.


Raysal wasaare Theresa May ayaa tidhi "Waxaan ka cabsanayaa inaan gaadho halka ugu dambaysa ee nidaamka aqalka baarlamaanka.”


Dawlada UK ayaan midawga yurub ka bixi doonaan marka la gaadho 22-ka bisha may, raysal wasaare Theresa May ayaana haatan wajahaysa inay raacdo qodobka 50aad ee heshiiskii Brussels kaas oo tilmaamaya inaan UK heshiis la,aan ka bixi Karin midawga Yurub 12-ka bisha April.


Dawlada Raysal Wasaare Theresa May ayaana haatan ka digtay in guul daro sadexaad oo heshiiska Brexit uu wajaho ay la mid tahay in shanta sano ee soo socda ay UK ka mid ahaato midawga Yurub.


Dhinaca kale madaxweynaha ururka midawga Yurub Donald Tusk ayaa shir deg deg ah oo la qorsheeyey inuu dhaco 10-ka April iskugu yeedhay hogaamiyeyaasha Yurub kuwaas oo uu sheegay inay falanqayn doonaan codaynta ay sameeyeen baarlamaanka UK ee ay kaga hor yimaadeen heshiiska Britain kaga baxaysay  midawgayga Yurub.


 

Halkan Guji Si Aad Warkaas U Sii Akhrisato


Loading...
Loading...